Adeegga ZAAD ee shirkadda Telesom oo Noqday Caqabadaha ugu weyn ee Sababa Sicir-bararka iyo Dawakhaadda Suuqyada

Hargeysa (Aftahan News) Bulshadda Reer Somaliland ayaa ah mid la’daalaa dhacaysa sixir Bararka maalinba maalinta ka dembaysa kor u sii kacaaya, iyadoo dawladdu la’daalaa dhacaysa sidii ay u fadhiisin lahayd sarifka lacagaha qalaad ee Suuqyadda Somaliland, walaw ay jiraan isku dayo badan oo ay sameeyeen Bank dhaxe iyo wasaaradaha Ganacsiga iyo Maaliyaddau sidii ay hoos ugu dhigi lahaa ama loo fadhiisin ahaa sixir Bararka maalinbba maalinta ka dembaysa soo xoogaysanaaya. Adeega ZAAD (mobile transfer) waa Adeeg inta badan Bulsho weynta reer Somalilandzaad

ku Adeegtaan iyadoo la’isticmaalaayo Tirooyin ku qiimaysan Lacag qalaad ama Lacagta loo yaqaano Dollar ee Wadannka Mareekanka, iyadoo lacagtii Adkayd ay gabi ahaanba ku dhacdo Qasnadaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, oo Mulkiyadeeda Laga leeyahay Xamar. Adeegsiga nidaamkan Zaad Service oo ah mid Electronic ah ayaa waxa isticmaalaha tiro badan oo ka mid ah Bulshadda kala duwan ee reer Somaliland,haddana waxa jira warwar weyn oo ay bulshadu ka muujinayso kalsoonida lagu qabo iyo amaankiisa, maadaama oo uu yahay nidaam electronic ah,

isla markaana aanay jirin ama aanu lahayn wax tixraac ah oo lasgula xisaabtami karo shirkadda adeegan iska leh, haddii uu khalkhal ku yimaado nidaamkan, kaas oo cadayn iyo muujin u noqon kara dadka ay lacagtu ugu jirto, sida Rasiidh iyo wax la mid ah. Dadka warwarkan qaba ayaa ku sababaynaya wakhtiyo adeegan Electronic-ga ah uu ku yimi hakad sababay in ay dadku waxba ku iibsan kari waayeen lacagtoodii Mobiladda ugu jirtay . hakadkaasi oo tiraba dhawr jeer ku yimi adeegan, ayaa sababay in hoos u dhac weyni ku yimaado kalsoonidii iyo aaminaadii ay bulshadu ku qabtay.

Kumanaan qof iyo meheradood oo ku nool gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan kuwaasi oo uu muddo xanibay adeeggan istaagay. iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaas ayaa ilaa imika shirkadda Telesom soo bandhigin warbixino muujinaya ama kor u qaadaya Aaminaada Bulshada isticmaasha Adeegan ZAAD. Iyadoo inta badan shirkaddu ka gaabsata khataraha ama wax yeeladda uu leeyahay Adeega Zaad,balse ay soo bandhigto oo kaliya Faa’dida ay shirkad ahaan ku qabaan iyadoo loo macneesanayo in uu Adeegan ZAAD uu baro dhaafiyay khiyaamadii Bulshadda reer Somaliland lagu sameeyay ee Jiif oo Jaq. La soco qaybta labaad……..

Mahamed Bashiir Nuur Giriig

Aftahan News

Hargaisa/Somaliland/office