Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xuska 8-da March, kuna baaqday in Haweenka la dhawro

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa ku baaqday in la dhawro, lana ixtiraamo xuquuqda ay bulshada ku dhex leeyihiin Haweenku, iyada oo maalinta Berri ah ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Haweenka ee siddeedda bisha March oo dunida inteeda badan looga aqoonsanyahay maalinta Dumarka oo si weyn loo xuso.

Viva Somaliland

wasaaaaaaradda saqada iyo bulshada

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo soo saaray war-murtiyeed isugu jira wacyigelin iyo baraarujin ku saabsan xuska maalinta caalamiga ah haweenka ee 8-da bisha March, waxa uu sheegay in ay jiraan guulo waawayn oo ay gaadheen dumarka Somaliland, balse ay horyaalaan caqabado u baahan in la qaado.

War-saxaafadeedka Wasiir Garaad uu soo saaray oo uu ku soo bandhigay munaasibado lagu muujinayo xuska maalintan haweenka, waxa uu u qornaa sidan;

“MOLSA (Hargeysa, 06 Maarso 2014) Sidaad la socotaan waxa Somaliland looga diyaargaroobayaa dabbaaldegga 8 Maarso 2014 oo ah xuska maalinta haweenwaynaha dunida.  Munasabaaddan oo ah mid caalami ah oo looga dabbaaldegaayo dhammaan dacallada dunida, waxa beryahanba lagu jiray qabanqaabada sidii munaasabaddu ugu dhici lahayd si fiican.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo kaashanaysa hay’adaha dawliga ah iyo kuwa bulshada ee ay wadashaqaynta leeyihiin waxa ay mashquul ku tahay qabanqaabada xuska munaasabadda caalaamiga ah ee 8 Maarso 2014.

Qabanqaabada munaasabaddan waxa iska shaakaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ururka Qaranka ee NOW iyo dalladda NAGAAD.

Mawduuca caalamiga ah ee la qaatay sannadkan waxa hal-ku-dhigiisu yahay, ‘sinnaanta lammaanuhu waa horumarka bulshada oo dhan (Equality is the progress for all),’ taasoo ah mawduuca sannadkan ee la xidhiidha xuska caalamiga ah ee munaasabadda haweenka dunida.

Ujeeddada laga leeyahay xuska maalintani waa:

–           in la dhiirrigeliyo xuquuqda haweenka oo lala tacaalo inaan lagu xadgudbin xuquuqdooda oo qayb ka ah xuquuqda guud ee aadamaha (Inrternational human rights convention).

–           Waxa lasoo bandhigayaa guulaha wax-ku-oolka ah ee haweenku ka sameeyeen dhinacyada horumarka bulshada

–           Waxa iyana la xusayaa sharafta iyo waxqabadka haweenka reer Somaliland oo laf-dhabar u ah horumarka bulsho ee la gaadhay.

–           Waxa kale oo laga hadlaa, fiirogaar ahna la siiyaa waxyaabaha caqabadda ku ah horumarka haweenka iyo sidii loo heli lahaa xal waara.

Xuska munaasabadda waxa loogu talogalay inay dhacdo maalinta Sabtida ee bishu tahay 8 Maarso 2014, waxaanay u dhici doontaa laba qaybood oo kala qabsoomi doona gelinta hore iyo habeenimada fiidka.

Gelinta hore waxay bilaabmi doonaa subaxnimada hore, waxaanay socon doontaa ilaa salaadda Duhur, iyadoo lagu soo bandhigi doono ciyaaro iyo barnaamijyo kale oo khuseeya munaasabadda. Sidoo kalena, waxa halkaas bulshada kala hadli doona madaxda xukuumadda iyo kuwa urrurada bulshada.

Munaasabadda xuska ee habeenimadu waxay noqon doontaa casho sharaf, waxa lagu casuumay madax iyo dadweyne badan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana lagu soo bandhigi doonaa khudbado kala duwan, suugaan iyo masrixad khuseysa munaasabadda.

Munaasabadan oo la rajaynaayo inay ka dhacdo dhammaan dalkoo dan, waxaannu ka codsanaynaa madaxda gobollada iyo degmooyinka inay la shaqeeyaan oo u fududeeyaan qabashada munaasabadan ay wadajir u qaban doonaan masuuliyiinta wasaaradda ee gobollada, ururka qaranka ee NOW iyo dalladda NAGAAD.

Ugu dambayn, waxaan hanbalyo u dirayaa dhammaan haweenwaynaha Somaliland meelkastoo ay joogaan, waxaanan leeyahay Ilaahay sannadka dambe ha innagu gaadhsiiyo munaasabaddan bash iyo barwaaqo,” ayuu ku soo gunnaanaday Md. Garaad farriintiisa.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.