Xafiiska Laanta Socdaalka Ethiopia ee Wajaale oo qirtay inay isir-neceb yihiin Muwaaddiniinta Somaliland

“Haayoo waan isir-necebahay dadka reer Somaliland ee Baasabboorka Somaliland-ta sita,…” Cabdilaahi-Jaarso oo Ka Mida Shaqaalaha Xafiiska Socdaalka Dawladda Ethiopia ee Wajaale

Wajaale(Aftahannews):- Xafiiska Socdaalka dawlada Ethiopia ee Wajaale ayaa gebi ahaan-ba is-hortaagay Basaboorka Somaliland ee ay fiiseyso Xafiiska qunsuliyada dawlada Ethiopia ay ku leedahay  Caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysa,kadib markii dadka reer Somaliland ee u socdaalaya dalka Ethiopia ay kala kulmaan dhibaatooyin masuuliyiinta xafiiskaas u qaabilsan Ethiopia.

Mustafe-Jannaale

Weriye Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale) oo ka tirsan Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews  oo ayaa loo diiday inuu maanta safar shaqo ku tago Magaalada Jigjiga ee dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia,kadib markii Cabdilaahi-Jaarso oo ka mida shaqaalaha Xafiiska Socdaalka Dawlada Ethiopia ku leedahay Magaalada Tog-Wajaale uu qirtey inuu isir neceb-yahay dadka reer Somaliland ee doonaya inay tagaan Ethiopia

Waxa kale oo la sheegay inuu Cabdilaahi-Jaarso uu lacag laaluush khasab ah uu ka qaado haweenka reer Somaliland,ee Ethiopia u socdaalaya, halka uu qaarna basaboorka kala hadho, qaarna uu bilaa shuruud ikhtiyaarkiisa uu dib ugu celiyo. 

Weriye Mustafe-Jannaale oo ka sheekeynaya sababta dib loogu soo celiyey iyo waxa ka qabsaday Xafiiska Socdaalka dawlada Ethiopia ku leedahay Tog-Wajaale ayaa waxa uu yidhi“Waxaan safar shaqo ku tagayey Magaalada Jig-jiga ee dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia,kadib markii aan gaadhay Xafiiska socdaalka dawlada Ethiopia ku leedahay magaalo xuduudeedka Wajaale abaaro 11:00 subaxnimo ee maanta, aniga oo sita sharciga dal ku galka oo ah Basaboorka Somaliland oo ay ii fiiseysay muddo bil ah Xafiiska Qunsuliyada dawlada Ethiopia ku leedahay Somaliland.

Kadib,waxa iga qabsaday Xafiiska Socdaalka dawlada Ethiopia ku leedahay Magaalada Tog-Wajaale ee uu maro xuduudka ay wadaagaan labada dawladood ee Somaliland iyo Ethiopia oo uu ku sugnaa nin shaqaale ka ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdilaahi Jaarso, markii aan u dhiibay Baasaboorka Somaliland ayaa waxa uu igu yidhi “Ethiopia ma gali kartid ee iska noqo”, Markaas ayaan ku yidhi maxaa dhacay? Waxa uu igu jawaabay: “Waxa kale ma dhicin, ee anigaa diiday inaad tagto Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia”, markaas ayaan ku idhi sababte? Dabadeed waxa uu igu yidhi “Sabab kale looma baahna ee ku noqo halkaad ka timid.Kadib waan yaabay oo waxaan u qaadan-waayey awooda intaa in lee g ee uu Cabdilaahi-Jaarso adeegsanayo,halka uu ka keenay kadib waxaan isaga soo baxnay Xafiiskii”.

Kadib markii aan dibada u soo baxay ayaa waxaan la kulmay dad reer Somaliland ah oo ka ag dhawaa Xafiiska Socdaalka Dawlada Ethiopia oo waxaan weydiiyey bal ka warama sababta uu Cabdilaahi Jaarso iigu diiday inaan u gudbo dawlada Ethiopia? waxay igu jawaabeen: “Kaligaa uun muu soo celin Cabdilaahi-Jaarso, laakin dadka reer Somaliland ee sita Basaboorka Somaliland ee ay soo fiisaysteen dhibaato xoog leh ayuu ku hayaa, oo waxa uu dadka ka qaata lacag laaluusha, halka uu qaarna iskii isaga celiyo sida aniga oo kale igu dhacdaya,qaarna waxa uu ka qaada Basaboorka Somaliland-ta”.Ayuu yidhi mid ka mida dadkii aan kula kulmay halkaas.

Kadib dib ayaan ugu noqday Xafiiskii Socdaalka Dawlada Ethiopia ku leedahay Wajaale si aan u sii ogaado dhibaatada uu dadka ku hayo Cabdilaahi-Jaarso, waxaan ku idhi: “Waar Cabdilaahi dadka reer Somaliland miyaad isir neceb tahay? Waxa uu igu jawaabay, “Haa, oo waan isir necebahay dadka reer Somaliland ee Basaboorka Somaliland-ta sita, waan yaabay sida kal-soonida leh ee uu iigu qirtey isir-neceybka uu u hayo dadka reer Somaliland”.

Isir-neceybka uu qirtey inuu Cabdilaahi inuu u hayo dadka reer Somaliland ee uu ku dhibaateynayo xuduudka ayaa waxay keenaysa kala fogaanshaha labada dawladood ee Somaliland iyo Ethiopia iyo weliba labada shacab ee xidhiidhka wanaagsan ee soo jireenka ahi ka dhaxeeyo.

Hadaba, waxaan dawlada Ethiopia waydiin lahaa awoodaha iyo dhibaatada uu shacabka reer Somaliland ee doonaya inay Ethiopia tagaan uu u geyso Cabdilaahi-Jaarso waxay ku dhacday? Haddii isir-nacaybka uu qirtey Cabdilaahi-Jaarso iyo laaluushka uu ka qaado dadka xuduuda ka gudbaya ay sii socdaan waxay dhaxal-siinayso Ethiopia? Su’aalaha jawaabteeda waxaan uga fadhiya dawlada federaalka Ethiopia.

Dawlada Somaliland dadkeeda muwaadiniinta ah ee sita sharciga saxda ah, marka uu Cabdilaahi-Jaarso sida aynu sheegnay ula dhaqmayo oo aan kow iyo laba iyo sadex toona aan ahayn oo soo noqnoqda maxay indhaha uga lalinaysa ee ay talaabo uga qaadi la’adahay, mise waxay raali ka tahay in dadkeeda dhibaato loo geysto. 

Si kastaba ha ahaate, dadka reer Ethiopia ee socdaalka ku imanaya  Somaliland ayaa si nabadgelyo ah ku yimaada Somaliland iyada oo aan wax dhibaato ah loo geysanin.

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com