Midowga Yurub oo ka hadlay eedaymo Xukuumadda Somaliland u jeedisay

“Maraakiibta Midowga Yurub waxay oggolaansho u haystaan ilaalinta Xeebaha Somaliland. Waxaan xidhiidh leenahay Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Maamulka Dekedda…Waxaan gebi ahaanba xaqiijinayaa…” Afhayeenka hawlgalka la-dagaallanka Budhcad-badeedda ee Midawga Yurub  Jacqueline Sherriff: WARAYSI GAAR AH

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidammada Midawga Yurub ee la-dagaallanka hawl-galka Budhcad-badeedda, ayaa gaashaanka ku dhuftay inay Xeebaha Somaliland ku daadiyaan hadhaaga Kiimikada iyo Sunta Wershadaha, ka dib markii uu Masuul Somaliland ka tirani ku eedeeyey inay dhibaato ku hayaan Xeebaha dalka.

markab1276520938-533x250

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax oo Axaddii toddobaadkan Waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Himilo, ayaa Ciidammada la-dagaallanka Budhcad-badeedda ee Midawga Yurub ku eedeeyey inay dhibaato ku hayaan Khayraadka iyo caafimaadka Badda Somaliland oo uu sheenay ku shubaan walxaha suntan iyo kiimikada ah ee ka soo hadha waxyaabaha ay Wershadaha reer Galbeedku farsameeyaan.

Hase-yeeshee, Afhayeenka hawlgalka la-dagaallanka Budhcad-badeedda ee Midawga Yurub Jacqueline Sherriff oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey waxa ka jira eedayntaas, ayaa iska fogeysey eedaha ku saabsan in Maraakiibta ilaaliya Xeebaha Gacanka ay Badda Somaliland ku daadiyaan sunta hadhaaga Wershadaha, waxaanay ku doodday inaanay jirin wax dhibaato ah oo ay Somaliland ku hayaan, balse taa beddelkeeda ay wada shaqeyn wadaagaan Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland.

Haweenaydan Afhayeenka u ah hawlgalka la-dagaallanka Budhcad-badeedda ee Ciidammada Midawga Yurub, Jacqueline Sherriff, ayaa Wargeyska Himilo u sheegtay in Maraakiibta ilaaliya Xeebaha ee Midowga Yurub oggolaansho u haystaan ilaalinta Xeebaha Somaliland, wada-shaqeyna leeyahiin. Su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii ay ka bixisayna waxay u dhaceen sidan:-

S: Masuul Somaliland ah waxa uu idinku eedeeyey in Ciidammada Badda ee hawlgalka Midowga Yurub ku daadiyaan hadhaaga sunta Wershadaha Xeebaha dalka,, maxaad kaga jawaabaysaa eedeyntaa?

J: Hawsha Ciidammada Badda ee Midowga Yurub waa ka hortaga Budhcad-badeedka, ka caawinta badda iyo Maraakiibta weerarrada Budhcad-badeedka. Waxaan gebi ahaanba xaqiijinayaa inaan Maraakiibta Ciidammadu Badda ee Midowga Yurub marna, wakhtina daadin wax hadhaaga sunta Wershadaha ah.                      

S: Wada-xaajood ma kala yeelateen Xukuumadda Somaliland ilaalinta Biyaha Xeebaheeda?

J: Marka la eego hawlgalka Ciidammada Badda Midowga Yurub iyo heshiiska Ciidammada iyo Somaliland dhex-maray, Maraakiibta Midowga Yurub waxay oggolaansho u haystaan ilaalinta Xeebaha Somaliland. Waxaan xidhiidh leenahay Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Maamulka Dekedda.

S: Waa maxay natiijooyinkii ugu dambeeyey ee hawlgalkiinu gaadhay?

J: Marka la is-barbar-dhigo weerarradii sannadki 2011 iyo 2012, weeraradaasi 18-kii bilood ee u dambeeyey hoos ayey u dhaceen. Sannadkii hore 2013 ma jiro Markab Budhcad-badeed weerartay, sidoo kalena illaa immika ma jirto weerar Budhcad-badeed sannadkan. Taasi waxay muujinaysaa in Maraakiibtu nabadgelyo u maraan gacanka Cadan iyo Badweynta Hindiya. Taasoo jirta, Maraakiibta Midowga Yurub waxay ugu jiraan heegan halis kastoo Budhcad-badeedku sababi karaan, isla markaana hadh iyo habeen waxay ku jiraan heegan.                 

S: Ma la odhan karaa weerarradii Budhcad-badeedku wuu yaraaday, wixii ka dambeeyey bilowga hawlgalka Ciidammada Badda Midowga Yurub ka wadaan Xeebaha Soomaalida?

J: Hawlgalka la-dagaallanka Budhcad-badeedka ee Midowga Yurub waxa la bilaabay bishii December 2008. Sannadkii 2009 waxa dhacay weerarro Budhcad-badeedku ku qaadeen Maraakiib gaadhaya 163, waxaanay qabsadeen madax-furasho 46 Markab. Sannadkii hore, waxa dhacay 7 weerar Budhcad-badeed, mana jirin Markab la qafaashay. Sannadkan waxa dhacay laba weerar Budhcad-badeed, laakiin ma jiro Markab la qabsaday. Markaa, haa! Weerarradii Budhcad-badeedku way yaraadeen wixii ka dambeeyey bilowgii hawlgalka ka hortagga Budhcad-badeedda ee Midowga Yurub.

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.