Ciraaq Isbahaysiga Muqtadaa Sadr oo ku guulaystay doorashadii baarlamanka

BaqdaadAftahannews):-   Ciraaq Isbahaysiga Muqtadaa Sadr oo ku

guulaystay doorashadii baarlamanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Isbahaysiga uu hogaamiyo wadaadka Shiicada ah ee Muqtadaa Sadr ayaa ku guulaystay doorashadii baarlamanka Ciraaq.

Natiijada kama dambaysta ah ee gudida doorashooyinku soo saaray ayuu isbahaysiga Saa’iruun ka helay 54 kursi, halka xisbiga ra’isal wasaaraha talada haya ee Xaydar Al-Cabbaadi uu ku galay kaalinta saddexaad 42 kursi.

Sadr oo mudo dheer ka soo horjeeday Maraykanka ayaan noqon doonin ra’isal wasaare [in kasta oo isbahaysiga guulaystay uu hogaamiye u yahay] maadaama oo aanu isku sharixin. Laakiin waxa la filayaa in uu door wayn ku yeesho xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono.

Muqtadaa Sadr wuxu isku dadka isku tusay inuu yahay nin musuqmaasuqa la dirira, waxaanu magaciisu soo shaac baxay markii maleeshiyada uu hogaaminayay dagaalka kala hortageen ciidamadii Maraykanka ee Ciraaq galay sanadkii 2003-dii. Sidoo kale waa nin aad u dhaliila Iran.

Doorashooyinkani waa kuwii ugu horeeyey ee la qabto tan iyo intii Ciraaq ku dhawaaqday in ay ka guulaysatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka bishii Diisember.

Weli waxa jooga Ciraaq 5000 oo askari oo Maraykan ah oo taageerayey ciidamada dalkaas ee la dagaalamayey kooxda Daacish.

Isbahaysiga Saa’iruun ee uu ka midka yahay xisbiga Istiqaama ee Sadr waxa kale oo ka mid ah lix kooxood oo badankoodu yihiin Cilmaaniyiin oo uu ku jiro xisbiga Shuuciga ah ee Ciraaq.

Dhanka kalena, inkasta oo xisbiga Ra’isal Wasaare Cabbaadi aanu guul wayn ka soo hoyn doorashada, ayaa waxa suurto gal ah inuu hadana mar kale noqdo ra’isal wasaare maadaama oo ay socdaan wadahadallo lagu soo dhisayo xukuumadda cusub oo muddo sagaashan cisho gudahood ah lagu soo dhamaystiri doono.

In ka badan laba milyan oo qof oo Ciraaqiyiin ah oo ku barakacay gudaha dalka ayaa ilaa haatan ku filiqsan daafaha wadanka, kooxda la baxday Dawladda Islaamkuna, in kasta oo dhulkii ay ka talin jirtay laga qabsaday, weli may joojin weerarradeedii.

Dadka u soo baxay codbixinta doorashada baarlamanka ayaa ahaa boqolkiiba 44.5 dadkii diiwaan gashanaa, waana mid aad uga hoosaysa tirada dadkii u soo baxay codbixinta doorashooyinkii hore.