Afartan Shirkadood oo u Tartamaya Qandaraaska Mashruuc Magaalada Hargeysa lagu Biyo-gelinayo

Hargeysa(Aftahannews):- Afartan Shirkadood oo kala duwan, isla markaana ka kala socda waddammada caalamka iyo dalka gudihiisa, ayaa u tartami doona Qandaraas lagu bixinayo ballaadhinta Biyo-gelinta Caasimadda Hargeysa, sida ay shaaca ka qaadeen Masuuliyiinta Biyaha Somaliland.

WAKAALADDA BIYAHA EE HARGEYSA

somalia-hargeisa-water1

Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa iyo Wasiirka Biyaha Somaliland, ayaa sheegay inay magaalada Hargeysa yimaaddeen afartan Shirkadood oo ka kal ay yimi dalalka Adduunka oo tartan u galaya Biyo-ballaadhinta Caasimadda dalka.

Maareeyaha Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa sheegay inay afartanka shirkadood ee tartanka u galaya Biyo-ballaadhinta Hargeysa ay kormeereen goobaha Biyuhu uga yimaaddaan magaalada Hargeysa iyo goobaha ay ka shaqayn doonaan, waxaanu intaa ku daray inay Shirkaduhu ka kala yimaaddeen Somaliland, Afrika, Yurub iyo Aasiya.

Mashruuca Biyo-balaadhinta Hargeysa oo ay bixinayaan Midowga Yurub, ayey hirgelinaysaa Hay’adda UN-HABITAT ee Qaramadda midoobay taas oo soo xayeysiisay soo iibinta beebebka biyaha iyo isku rakibadda beebabka biyaha, taas oo ay soo codsadeen inay qandaraaskaasi qaataan afartan shirkadood, haseyeeshee waxa ay Qaramadda midoobay ku wargeliyeen inay soo booqdaan goobta ay ka shaqaynayaan ee magaaladda Hargeysa.

“Saaka halkan waxa lagu soo casuumay shirkadihii codsaday ama kasoo qaygalay ee yidhi mashuurcaas ayaanu doonaynaa inaanu fulino ayaa lagu yidhi soo booqda Hargaysa iyo halkaad ka fulinaysaan markaana  waxa kasoo qaybgalay 40 shirkadooda oo doonaya mid kastaba inuu ku guulaysto sidii uu bariga iyo waqooyiga Hargaysa biyo balaadhin uga samayn lahaa”ayuu yidhi Meereeyaha biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad.

Sidoo kale, waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdalle, oo sheegay inay wax lagu farxo tahay inay maanta Somaliland joogaan illaa 40 Shirkadood oo ku tartamaya Ballaadhinta Biyaha Caasimadda Hargeysa.

“Waxay muujinaysaa Shirkadahan maanta yimi magaalada Hargaysa in dalka wax badan kusoo kordhin doonaan, kuwaasoo ictiraafkii aynu inta badan sugaynayna uu maanta halkan innooga soo hillaacay maaddaama oo 40-kaas shirkadood ay la yaabban yihiin nabadda ay Somaliland ku naaloonayso, waxaana wax lagu farxo ah in dalkii Somaliland uu maanta noqday meel lagu soo hirto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdalle.

Inta badan Xaafadaha magaalada Hargeysa, ayaan helin Biyo Qasabadeed  oo ku filan, halka qaarkoodna aanay gaadhinba Biyaha Qasabaddu, inkastoo aan weli daraasad si dhab ah u muujinaysa la samaynin haddana waxa lagu qiyaasaa in boqolkiiba lixdan aanay gaadhin Biyaha Qasabaddu dadweynaha ku dhaqan qaybaha kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, waxaanay tallaabadan ballaadhinta Biyaha magaaladu haddii lagu guulaysto noqonaysaa mid wax badan ka tari karta baahida dhinaca Biyaha, waxaanay sidoo kale noqonaysaa ballan-qaad Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hore u samaysay oo hirgelay.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland