“Inantayda waxa Hargeysa loogu xidhay waxay Tagtay… Hadday Taageertay Diinta kamay bixine…” Abwaan Axmed I. Qorane

XADHIGGA NACIIMA ABWAAN QORANE OO AABBEHEED KA HADLAY 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Abwaan Axmed Ibraahin Qorane oo Gabadh uu dhalay oo lagu magacaabo Naciima Abwaan Qorane dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa, ayaa ka warbixiyey sababta Inantiisa loo xidhay, ka dib markii ay ka Hargeysa oo ay Muddo joogtay ka noqonaysay una baxaysay magaalada Muqdisho oo ay ka shaqayso sida Aabbeheed sheegay, waxaanu intaas ku daray in Qofka Soomaaliya taga ama Soomaaliweyn taageeraa Diinta Islaamka ka bixin.

XADHIGGA NACIIMA ABWAAN QORANE OO AABBEHEED KA HADLAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Aabbaha dhalay Naciima, ayaa sheegay in Inantiisa lagu eedeeyey inay Soomaaliweyn uga ololayso Muqdisho, isla markaana sababta loo xidhay tahay arrintaas iyo inay Facebook ku qortay qoraallo ay Soomaaliweyn ku taageerayso, waxaanu sheegay in markii dambe loo diiday inay Booqdaan Waalidkeed. Abwaan Qorane waxa uu ku dooday inaanay dembi ahayn inay Inantiisu aamminto waxa uu aamminsan yahay ee Somaliland ah wax ka duwan oo ah Soomaaliya.

Waraysiga uu bixiyey Abwaan Axmed Ibraahin Qorane oo u Warramay Weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Eryal TV, Su’aalaha lagu weydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyey-na waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.