Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Dareenkiisa, Tabashada Waddani iyo UCID oo Hambalyeeyey

MADAXWEYNAHA SHANAAD EE SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo mar dhawayd galabta ay ugu dhawaaqeen inuu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 13-kii bishan, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guusha uu gaadhay, isla markaana dareemayo culays badan oo saaran, maaddaama oo uu noqday Odayga Dalka ugu dhaqaalaha yar dunida, xaaladda waddanku ku jiro-na uu wax badan kala socdo.

MADAXWEYNAHA SHANAAD EE SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI

Waxa uu Muuse Biixi oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da siiyey Waraysigii u horreeyey ee uu bixiyo intii natiijadii doorashada lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay oo uu Madaxweynaha shanaad ee Somaliland noqday, ku sheegay inay Masuuliyad culusi fuushay, isla markaana uu u mahad-celinayo Xisbiyada la tartamay ee UCID iyo Waddani iyo Musharrixiintooda, Shacabka Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga isaga dhisay ee Kulmiye.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inuu la hadli doono Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee Tabashada ka muujiyey doorashada Madaxtooyada, mar su’aal laga weydiiyey in Xisbiga Waddani sheegay in doorashada Kulmiye iyo Komishanka doorashadu musuqmaasuqeen oo aanay natiijada ku qanacsanayn. Waxaanu intaas ku daray in Somaliland caan ku tahay wadahadal, is-qancin, isu-tanaasul iyo ismaqal, cid kasta oo wax tabanaysana uu diyaar u yahay inuu la hadlo oo lays qanciyo. Waxa uu xusay in wax kasta oo la isku hayo ay ka wayn tahay waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Qarannimada oo mid lagu ahaado.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sidoo kale ahaa Musharraxa Madaxweynennimada ugu tartamay Xisbigaas, ayey BBC-du sheegtay inuu u sheegay inuu u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Hase-yeeshee, Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu xalay sheegay inaanay ku qanacsanayn natiijada doorashada 13-kii bishan dalka ka dhacday oo uu ku tilmaamay mid musuqmaasuq badani ka dhacay, ayaan weli Hambalyeynin Madaxweyne Muuse, natiijada la shaaciyey galabtana aan ka hadal.

Geesta kale, waxaa badi Suuqyada iyo Qaybaha magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee Dalka Somaliland qaarkood ka socda, Dabbaal-degyo ay samaynayaan Taageerayaasha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo ay ugu dabbaal-degayaan Guusha ay ka gaadheen doorashadii Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo bilaabmay markii Guddiga doorashooyinku natiijada guusha shaaciyeen ka dib.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ammaankeeda, ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo tan iyo maanta lagu arkayey badi qaybaha kala duwan ee magaalada xataa Suuqyada Ciidammo Millateri ah oo la soo buux-dhaafiyey iyo weliba kuwo Boolis ah, iyadoo marka Booliska laga tago Millaterigu ku cusbaa in aad loogu dhex-arko gudaha Caasimadda iyagoo Hubaysan, sidoo kale, Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo ka mid ah meelaha Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ku badan yihiin, ayaa iyagana Ammaankooda la adkeeyey oo Ciidammo badan la dhoobay, sida Wararku nagu soo gaadhayaan.

Waxa sababay in xataa Millateriga la soo dhoobo gudaha Caasimadda Muddaharaadyo laga cabsi qabay inay sameeyaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani, maaddaama oo uu ka biyo-diidsanaa natiijada maanta lagu dhawaaqay oo uu Xalay Musharrax Cirro shaaciyey inaanay ku qanacsanayn oo doorashada la musuqmaasuqay, sida uu Guddoomiyaha Waddani ku dooday. Waxaanay Wararku sheegayaan in Ceerigaabo Muddaharaad ka bilaabmay, isla markaana dawladdu Bandoo ku soo rogtay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka ee gudaha magaaladaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.