Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay In La Faafiyo Warar Been Abuur Ah Oo Ku Saabsan Natiijada Doorashada

Hargeysa, (Aftahannews)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasin Maxamuud XIir “Faratoon” ayaa ka digay in la faafiyo warar been abuur ah oo ku saabsan natiijada doorashadii dalka ka dhacday,waxaana uu fariin digniin ah u direy xisbiyada Qaranka.