Kuuriyada Waqooyi oo Madaxweyne Trump Ku Tilmaantay Nin inuu Is-Qarxiyo Diyaar u ah iyo Jawaabtiisa

Ri Yong-ho WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA KUURIYADA WAQOOYI OO WEERARAY MADAXWEYNE TRUMP 2017

New York(Aftahannews):- Madaxwaynaha Mareykanka ayaa mar kale hanjabaad u jeediyay Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi, isagoo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha dibedda Kuuriyada Waqooyi oo Khudbad kulul ka jeediyey Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramadoobay oo lagu qabtay xarunta Golahaas oo ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Ri Yong-ho WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA KUURIYADA WAQOOYI OO WEERARAY MADAXWEYNE TRUMP 2017

Wasiirka arrimaha dibedda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho, ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Trump in uu yahay Nin ay awooddu madax-martay, isla markaana ku jira hawlgal Ismiidaamin ah. Hase-yeeshee, Madaxwayne Donald Trump, ayaa ka jawaabayay hadalkaas, isla markaana sheegay in Wasiir Ri iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi aanay sii daahi doonin haddii aanay joojin ficillada ay wadaan.

MADAXWEYNAHA MARAYKANKA DONALD TRUMP 2017.jpg

Aflagaaddadan cusub, ayaa ku soo beegmaysa xilli Diyaaradaha Wax Duqeeya ee Mareykanku ay ku dhawaadeen Xeebta Kuuriyada Waqooyi shalay. Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka, ayaa sheegtay in ujeedkoodu ahaa in ay muujiyaan in Mareykanka ay khiyaarka ugu jirto tallaabo Millateri si khatarta Hubka ee Kuuriyada Waqooyi loo soo afjaro.

Xiisadda ayaa sii kordhaysay tan iyo intii ay Xukuumadda Kuuriya tijaabisay Hubka Niyukleerka loo yaqaanno ee wax gumaada. Iyada oo ay jirto hadallada kulul ee la is waydaarsanayo, ayaa haddana Khobaradu aqoontaas ku xeel-dheeri waxay meesha ka saareen suurtagalnimada dagaal dhex-mara waddamada Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.