Hargar-daamooyinka ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ku hayso Warbaahinta Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ee Somaliland oo dhibaatooyin iyo hagar-daamooyin badan oo kala duwan ku haysa Warbaahinta Somaliland, ayaa awoodday oo ay u suura gashay inay wada erido Tifaftirihii Wargeyska Somalilandtoday iyo laba Weriye oo kala hawlgeli jiray, ka dib markii ay dhibsatay war Wargeyska ku soo baxay maalintii Jimcihiii 07/02/2014 cadadkiisii 239 kaasoo ciwaankiisu ahaa Bahwadaagta TELESOM ee Muqdisho oo heshiis la gashay Al-Shabaab.

 Tifaftirihii Wargeyska Somalilandtoday iyo labada Weriye ee kaliya ee kala hawlgeli jiray Wargeyska ayaa  habeennimadii Sabtidu soo galaysay markii ay shaqada si caadi ah u soo galeen loo dhiibay Waraaqo shaqo ka joojin ah, taasoo Guddoomiyaha Wargesyka ay culays ku saartay shirkadda TELESOM.

Waxaa lakoo Shirkaddu Wargayska qasab kaga dhigtay warkii saxda ahaa ee Wargeyska ku soo baxay in la yidhaahdo wuxuu u soo baxy si qaldan oo laga raalli galiyo, ka dib markii la isku fahmay heshiis la xidhiidha dano dhaqaale.

Haddaba, waxay is-weydiintu tahay sideebay u sii shaqayn karayaan wariyeyaal ay eryi karayso TELESOM?

Iyadoo la ogyahay inay hore TELESOM ula wareegtay shaqadii Warbaahinta isla markaana aanay wax xuquuq ahba ka bixinin wararka ay aqoon maalka ku dirto iyadoo ciddii ku soo tacabtay warkaasna aanay wax ogolaanshiiyo ah uga haysan.

Waxay xaqiiqadu tahay tallaabada ay Shirkadda TELESOM ku eriday Taifaftirihii iyo Wariyeyaashii Wargeyska Somalilandtoday waa mid hor taalla dhammaan warbaahinta Somaliland iyadoo  awood u leh inay dhaqaale ku erido wariye kasta oo  ka hawl gala hayad warbaahineed oo ay ka dido qoraaliisa tijaabadii ugu horraysayna waxay ku galaafatay Tifaftirihii iyo Wariyeyaashii Wargayska Somalilandtoday oo intaanay ogaan in la eryay ay masuuliyiinta TELESOM sii ogaayeen in aanay cadad dambe oo wargayska ah soo saari doonin shaqaalaha Wargeysku isla markaana la socday inay sidaa ku tegayaan.

Kala Soco Shabakadda Aftahannews Xogo iyo xaqiiqooyin ku saabsan Hagar-daamooyinka ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ku hayso  Warbaahinta Somaliland iyo weliba dhibaatooyinka ay Bulshadu ku qabto.

Aftahannews.com

aftahanincØgmail.com

Hargeysa Somaliland