Weriye Maxkamad La’aan 31 Cisho Hargeysa ugu Xidhan Wasiirka Warfaafinta Somaliland

WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND OO WERIYE TV-GA QARANKA KA HAWLGALAA 30 CISHO UGU XIDHAN YAHAY HARGEYSA 27 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Weriye Siciid Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan Hawl-wadeenada Telefishanka Qaranka Somaliland, ayaa la sheegay inuu muddo 31 maalmood ah amar uu bixiyey Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ugu xidhan yahay Xarunta Ciidanka Dembi-baadhista C.I.D-da ee magaalada Hargeysa.

WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND OO WERIYE TV-GA QARANKA KA HAWLGALAA 30 CISHO UGU XIDHAN YAHAY HARGEYSA 27 JULY 2017

Sababta Xadhiga Weriye Siciid Ismaaciil u amray Wasiirka Warfaafintu, ayaa lagu sheegay inuu yimi, ka dib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey Muraayad dhinaca hoose kaga taallay Albaabka Hoolka Tiyaatarka Wasaaradda Warfaafinta ee Xarunta Hargeysa. 

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cismaan-Caddaani iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo aannu isku-deynay inaannu wax ka weydiinno Warkan, ayaanay noo suurtoobin, ka dib markii ay Taleefannadooda gacanta naga qaban-waayeen, welina aanu jirin War ay ka soo saareen ama ay ku faahfaahiyeen xadhigga Weriyahaas.

In badan oo ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, ayaa si weyn isu weydiinaya sababta keentay in qof Shaqaale ah oo dembiga lagu eedeynayey yahay Muraayad yar, xadhiggisa loola doontay Xarunta CID-da oo badi lagu xidho Dadka dembiyada waaweyn sida argaggixisada iyo wixii la mid ah loo haysto lagu baadho, laguna xidho.

Dembiga muddada soddonka maalmood loo haysto weriyahan ka tirsan Telefishanka Qaranka ayaan weli caddeyntiisa loo gudbin hay’adaha garsoorka iyo maxkamadaha, isla markaana xadhigiisu u muuqdaa mid baalmarsan sifaha sharciga & qawaaniinta dastuurka JSL ee ixtiraamaya xuquuqal-insaanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.