Maxkamadda Ciidammada oo Dil iyo Xabsi Daa’in ku Xukuntay Rag Baydhabo ku Dilay Sheekh Maxamed Deer

WIILASHA KU EEDAYSNAA DILKA SHEEKH MAXAMED DEER OO MAXKAMADDA CIIDANKU DIL IYO XABSI KU XUKUNTAY 21 JUNE 2017

Baydhabo(Aftahannews):- Maxkamadda Derajada koowaad Ciidammada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya, ayaa Arbacadii xukunno isugu jira Dil iyo Xabsi daa’in ku ridday Seddex Wiil oo Dhalinyarro ah ku eedeysnaa inay Masaajid ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta Maamulka Koonfur-galbeed ku dhax toogteen toDdobaadkii hore Sheekh Maxamed Deer oo ka mid ahaa Culimada Soomaalida ee caanka ah.

WIILASHA KU EEDAYSNAA DILKA SHEEKH MAXAMED DEER OO MAXKAMADDA CIIDANKU DIL IYO XABSI KU XUKUNTAY 21 JUNE 2017
WIILASHA KU EEDAYSNAA DILKA SHEEKH MAXAMED DEER OO MAXKAMADDA CIIDANKU DIL IYO XABSI KU XUKUNTAY 21 JUNE 2017

Maxkamadda oo maalintii shalay soo gabagabeysay dhegeysiga Kiiska Dacwadda loo heystay saddexda Wiil oo lagu soo eedeeyay in gudaha Masjidka ay ku dileen Sheekha, ayaa ugu danbeyntii soo saartay go’aanka ay ka gaadhay, ee isugu jira Xukunnada Dilka iyo Xabsi daa’inka ah.

Garsoorka Maxkamadda Ciidammada, ayaa sheegay in Maxamed Aadan Cali Barrow oo ahaa ninkii gacantiisa ku dilay Sheekh Maxamed Deer lagu riday xukun dil ah halka Labada kale oo dilkan gacan ku siiyay iyana lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in raggan eedeesanayaasha ahaa ay qirteen in Al-Shabaab ka tirsanaayeen sidoo kale dilkaas ka dambeeyeen, waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada uu saakay ku dhawaaqaay Xukunka Xilka ah iyo Xabsi daa’in lagu ridday labada kale oo lagu eedeeyay in ay caawiyeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia/Office.