Khilaaf ka taagnaa Ceelasha Biyaha Botor ee Gabiley ka Cabto oo Xal laga Gaadhay & Maamulka oo ka hadlay

MASUULIYIINTA GABILEY IYO MADAX-DHAQAMEEDKA OO SOO AFJARAY KHILAAF KA TAAGNAA CEELASHA BIYAHA BOTOR 21 JUNE 2017

Botor(Aftahannews):- Khilaaf ka taagnaa Ceelasha Biyaha Botor oo ah Ceelasha ay Gabiley Biyuhu uga yimaaddaan, Khilaafkaas oo u dhexeeyey Maamulka Dawladda ee gobolkaas iyo Dad Shacab ah oo Deegaanka deggan oo qaarkood Shaqaale ka ahaayeen Ceelashaas, ayaa la soo afjaray.

MASUULIYIINTA GABILEY IYO MADAX-DHAQAMEEDKA OO SOO AFJARAY KHILAAF KA TAAGNAA CEELASHA BIYAHA BOTOR 21 JUNE 2017
MASUULIYIINTA GABILEY IYO MADAX-DHAQAMEEDKA OO SOO AFJARAY KHILAAF KA TAAGNAA CEELASHA BIYAHA BOTOR 21 JUNE 2017

Masuuliyiin Dawladda ka tirsan oo Maayerka degmada Gabiley ka mid yahay, Taliska qaybta Booliska gobolka Gabiley, Xildhibaanno golaha degaanka Gabiley ka mid ah, Salaaddiin, Cuqaal iyo Odayaasha Dhaqanka ee deegaankaas oo si laba dhinac ah uga hawlgalay, ayaa ka hadlay qaabka loo soo afjaray khilaafkaas, iyaga oo sheegay in laga bilaabo Maanta Maamulka Ceelashaas si rasmi ah loogu wareejiyey Xukuumadda.

Haddaba, waxaannu Xubnaha Shacabka, Odayaasha Dhaqanka iyo Masuuliyiinta dawladda oo arrimahaas ka hadlaya, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.