Boqorka Sucuudiga oo Wiilkiisa u Magacaabay Dhaxal-Sugaha Xilkiisa, Beddelayna Nidaamkii Boqortooyada

BOQORKA SUCUUDIGA OO WIILKA UU DHALAY KA DHIGAY DHAXAL-SUGIHIISA XILKA BOQORTOOYADA 21 JUNE 2017

Riyadh(Aftahannews):- Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddelay qaabka dhaxalka Boqortooyada, isagoo Wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay Ninka dhaxli doona Boqornimada.

BOQORKA SUCUUDIGA OO WIILKA UU DHALAY KA DHIGAY DHAXAL-SUGIHIISA XILKA BOQORTOOYADA 21 JUNE 2017
BOQORKA SUCUUDIGA OO WIILKA UU DHALAY KA DHIGAY DHAXAL-SUGIHIISA XILKA BOQORTOOYADA 21 JUNE 2017

Ninkii dhaxalka Boqortooyada lahaa Amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa Derajadaas laga xayuubiyey, waxaana laga eryey Wasiirnimadii Wasaaradda arrimaha gudaha. Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah, ayaa sii hayn doona Wasaaradda uu ku magacaaban yahay ee Gaashaandhigga, waxaanu sidoo kale noqonayaa Ra’iisul-wasaare ku xigeen. Isbeddellada ayaa lagu shaaciyey Dikereetooyin Boqortooyo oo is xig-xigay.

Wakaaladda Wararka ee dawladda Sacuudigu waxay sheegtay in Boqorku uu ku baaqay in Shacabku ay daacadnimo ugu muujiyaan Amiirka cusub magaalada Makka fiidnimada Arbacada ee Maanta. Amiir Maxamed bin Salmaan oo ah Nin da’ yar, ayaa Jiilka yar waxay dalacsiintiisa u arki doonaan inay tahay Astaan muujineysa inuu soo socdo isbeddel.

Ka hor Dallacsiintiisa Wiilkani wuxuu hormuud ka ahaa dagaalka Sucuddigu uu ka wado Yemen. Wuxuu sidoo kale hormuud ka ahaa isbaddellada dhinaca dhaqaalaha ee Boqortooyada Sucuudiga.

Aabbihii Boqor Salmaan oo 81 sano jir ah, ayaa la sheegayaa in xaaladdiisa Caafimaad aanay wanaagsanayn. Boqor Salmaan, ayaa xilka la wareegay sannadkii 2015-kii, ka dib markii uu geeriyooday Walaalkii Boqor Cabdillaahi Bin Cabdil-Cassiis.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.