Saddex Qof oo ku Geeriyooday Shil Gaadhi oo ka dhacay Duleedka Hargeysa & Gaadhigii Sababay oo Ololay + Sawirro

GAADHIGA SHILKA SABABAY OO OLOLAYA

Hargeysa(Aftahannews):- Saddex Qof, ayaa ku dhintay,  oo wada saarnaa Hal gaadhi ayaa ka dhacay duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa ama inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Tuulada Abaarso, ka dib markii  isku dhaceen shalay laba Baabuur oo midkood Kuwa Xamuulka ee Shaambooga loo yaqaanno ahaa iyo Gaadhi Marki II (Maarka 2) ah.

GAADHIGA SHILKA SABABAY OO OLOLAYA
GAADHIGA SHILKA SABABAY OO OLOLAYA

Gaadhiga Xamuulka ah, ayaa Qudaar u soo siday dhinaca magaalada Hargeysa, halka Gaadhiga yari u socday dhinaca Gabiley sida la sheegay, kaas oo ay saarnaayeen saddexda Qof ee Shilkaas ku geeriyooday, markii Gaadhiga Xamuulka ahi dul-maray.

Sidoo kale, waxaa Gaadhiga weyn ee Xamuulka qabasaday Dab qaybta hore ee Gaadhiga. Waxaana Gaadhigaas oo dhexda hore ama hoosta qaybta Shidhka ka ololaya u gurmaday Ciidanka Deb-demiska Hargeysa, kuwaas oo ku guulaystay inay demiyaan Dabka gaadhigaasi sameeyey.

Allaah haw Naxariistee Saddexda Qof ee ku dhintay Shilkaas, ayaa loo qaaday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Ciidanka nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaanno oo Goobtaas gaadhay markii shilku dhacay ka dib, ayaa baadhaya dhacdadaas sababtay Shilkaas naxdinta leh.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.