Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Go’aammo Cusub ka soo saartay Nidaamka Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2017

WASIIRKA WAXBARASHADA IYO GUDDOOMIYAHA XAFIISKA IMTIXAANAADKA SOMALILAND OO GO'AAMMO CUSUB SHAACIYEY 20 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa shaacisay go’aammo ay ka soo saartay qaabka loo geli doono Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee 2017-ka, kaas oo Ardaydu u fadhiisan doonaan 1-da bisha Julay 2017 oo muddo toban maalmood ku simani innaga xigaan.

WASIIRKA WAXBARASHADA IYO GUDDOOMIYAHA XAFIISKA IMTIXAANAADKA SOMALILAND OO GO'AAMMO CUSUB SHAACIYEY 20 JUNE 2017
WASIIRKA WAXBARASHADA IYO GUDDOOMIYAHA XAFIISKA IMTIXAANAADKA SOMALILAND OO GO’AAMMO CUSUB SHAACIYEY 20 JUNE 2017

Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cllaahi-dheere), Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, Masuuliyiin Wasaaradda iyo Xafiiskaa ka tirsan iyo Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Shir Jaraa’id oo ay wada-jir ugu qabteen Salaasadii maanta magaalada Hargeysa, ku faahfaahiyey go’aammada Imtixaanka Dugsiyada sare ee sannadkan ku cusub iyo waxay Diinta Islaamku ka qabto Qishka ama in la musuqo Imtixaanka.

Shirkaa Jaraa’id ee Masuuliyiinta kala duwan, Go’aammada cusub ee ay ku soo bandhigeen, Digniino ay Ardayda, Waalidiinta iyo Macallimiinta-ba u direen iyo waxay Diintu ka qabto oo Wasiirka Aw-qaaftu faahfaahiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.