“Maamulka Somaliland oo Dhan haddii nala siiyo Dooni Mayno, Heshiiska Galaydh-na..” Garaad Saleebaan G. Maxamed

GARAAD SALEEBAAN GARAAD MAXAMED GARAAD MAXAMUUD OO QAADDACAY HESHIISKA SOMALILAND IYO KHAATUMO 20 JUNE 2017

Garoowe(Aftahannews):- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud iyo Boqor Cabdillaahi Axmed Cali oo ka mid ah Madaxda Dhaqanka Beelaha Sool iyo Buuhoodle, ayaa qaaddacay Heshiiska 17-kii bishan Hargeysa ku dhex-maray hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Guddiga Wadahadalka Khaatumo lagula jiro u qaabbilsan Somaliland.

GARAAD SALEEBAAN GARAAD MAXAMED GARAAD MAXAMUUD OO QAADDACAY HESHIISKA SOMALILAND IYO KHAATUMO 20 JUNE 2017
GARAAD SALEEBAAN GARAAD MAXAMED GARAAD MAXAMUUD OO QAADDACAY HESHIISKA SOMALILAND IYO KHAATUMO 20 JUNE 2017

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ugu horreyn ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay Salaasadii Maanta wada-jir ugu qabteen magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sheegay haddii ay yihiin Beelaha Dhul-bahante xataa haddii hoggaaminta Maamul ee Somaliland oo dhan lagu wareejiyo Beel ahaan inaanay doonayn oo aanay qaadanayn wakhtigan.

Qodobbada Heshiiska Somaliland iyo Khaatumo oo muddooyinkii dambe wadahadallo u socdeen ku kala saxeexdeen 17-kii bishan June magaalada Hargeysa, waxaa ka mid ahaa in Dastuurka Somaliland la furo, in Somaliland loo wada sinnaado iyo qodobbo kale oo dhawr ah.

Hase-yeeshee, Garaad Saleebaan oo ka mid ah Isimmada Saamaynta muuqata ku leh deegaannada Beeshiisu degto ee Sool iyo Buuhoodle iyo Boqor Cabdillaahi, waxay sheegeen inaanay arrimahaas wakhtigan diyaar u ahayn, waxay kala socdaanna jirin, sidaas awgeedna ay ka soo horjeedaan oo aanay oggolayn, khusayna heshiiska Somaliland iyo Khaatumo dhex-maray.

Waxaannu Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud iyo Boqor Cabdillaahi Axmed Cali Shirka Jaraa’id ee ay Maanta ku qabteen Garoowe iyo qodobbada ay kaga hadlen-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.