Dawada Shubanka oo la gaadhsiiyey Deegaanno Awdal ka tirsan & Heerka Xanuunkaasi marayo

Qul-ujeed(Aftahannews):- Saraakiisha Caafimaadka gobolka Awdal oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Hay’ad ka taageeray dhinaca Caafimaadka, ayaa Dawooyin loogu tala-galay la tacaalidda iyo ka hor-tagga Xanuunka Shuban-biyoodka gaadhsiiyey deegaanka Qul-ujeed iyo deegaanno kale oo gobolka Awdal ka tirsan.

DAWOOYINKA SHUBAN-BIYOODKA OO LA GAADHSIIYEY DEEGAANNO KA TIRSAN GOBOLKA AWDAL 20 JUNE 2017
DAWOOYINKA SHUBAN-BIYOODKA OO LA GAADHSIIYEY DEEGAANNO KA TIRSAN GOBOLKA AWDAL 20 JUNE 2017

Xaaladda Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay gobolka Awdal, magaalada Boorama ha ugu badnaatee, ayey Dhakhaatiirtu sheegeen inay ka soo raynayo oo heerkii uu toddobaadyadii hore marayey, waxaanay sheegeen inay sii wadayaan labada Maalmood ee soo socda qaybinta Dawooyinka iyo Kormeerka ay ugu kuurgalayaan xaaladda Shuban-biyoodka ee degmooyinka iyo Tuulooyinka Awdal ka tirsan.

Waxaannu Warbixinta Warkaas Dawo-qaybinta ah ee ay Masuuliyiinta Caafimaadka gobolka Awdal, Maamulka sare ee gobolkaas iyo Saraakiil ka socday Hay’adda Save The Children oo Dawada ku caawisay, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.