M/Weyne Farmaajo oo Ballan-qaaday Xannaanaynta Agoonta Afgooye iyo Shiinaha oo Gabdhaha Agoonta Muqdisho Deeq Siiyey

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO CARRUURTA AGOONTA AH EE XARUNTA AFGOOYE JUNE 20 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ballan-qaaday Xanaaneeynta iyo Quudinta Carruurta Agoonta ah ee lagu hayo Xarunta Agaamaha ee magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya, Masaafo 30KM ahna u jirta Caasimadda Muqdisho.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO CARRUURTA AGOONTA AH EE XARUNTA AFGOOYE JUNE 20 2017
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO CARRUURTA AGOONTA AH EE XARUNTA AFGOOYE JUNE 20 2017

Xaruunta Carruurta Agoomaha ah ee degmada Afgooye, waxaa hadda gacanta ku haya oo Maamulla Ciidanka Asluubta dawladda Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Somalia Cabdinuur, ayuu Madaxweynuhu u soo Wakiishay in uu ku wareejiyo Lacag loogu talagalay inay ku Ciidaan Carruurta Agoonta oo ahayd Ex-Xarunta Agoonta Gabdhaha ee Kacaan, waxaana Canugiiba la siiyay $110 Doollar.

Cabdinuur oo ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, Cunugii-ba aan u keenay Boqol iyo Toban Doollar oo isugu jirta Ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli.”

“Waxa kale oo aan rabaa in aan halkan ka caddeeyo Aniga oo ku hadlaya magacayga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha Carruurta ay Madaxtooyadu qaabbileyso Bil kasta.” ayuu yidhi Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Mr. Cabdinuur.

Dalka Soomaliya waxaa ku nool carruur badan oo ku agoomooway dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo ay ku yartahay helidda daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho intaba.

Geesta kale, Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa Salaasadii $22,000 oo Doollar u ballan-qaadday dhismaha Xarun Xannaanayn iyo Waxbarasho isugu jirta u dhisi doonto Carruurta Agoonta ah ee hadda ku jira Xarunta Agoomaha ee magaalada Muqdisho.

Deeqdaas ayaa ujeeddadeedu ahayd in Agoonta dhigata Iskuulkaas looga iibiyo Cunno iyo Agabka Waxbarashada, iyada oo ay foodda innagu soo hayso Munaasabadda Ciidda Soon-fur, waxaana gebo-gabo ku sii dhaw Bisha Barakaysan ee Ramadaan Kariim.

Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya Saafaraddooda Soomaaliya ee Muqdisho Ambassador Qin Jian, ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee Xinhua in caawintaasi loola jeedo in la taakuleeyo Agoonta iyo Carruurta kale ee Qoysaska Danta-yart ah kasoo jeeda ee ku jira Xarunta Boondheere Orphanage, halkaas oo ay ku xareysanyihiin Carruur ka badan 300 oo Gabdhood oo Agoon iyo Danyar ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.