Qodobbada Heshiis Muhiim ah oo ay Hargeysa ku kala Saxeexdeen Khaatumo iyo Somaliland & Hadallada Ergada labada Dhinac

Hargeysa(Aftahannews):-  Hoggaanka Khaatumo oo ay weheliyaan Culimo iyo Madax-dhaqameed Buuhoodle iyo Sool ka socday iyo Xukuumadda Somaliland oo ay weheliyeen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye Masuuliyiin ka tirsan, ayaa maanta Heshiis ku wada saxeexday Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

MASUULIYIINTA DAWLADDA SOMALILAND IYO MAAMULKA KHAATUMO OO HARGEYSA HESHIIS KU KALA SAXEEXDAY 17 JUNE 2017

MASUULIYIINTA DAWLADDA SOMALILAND IYO MAAMULKA KHAATUMO OO HARGEYSA HESHIIS KU KALA SAXEEXDAY 17 JUNE 2017

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa Warbaahinta u akhriyey qodobbada Heshiiska ay labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo wada saxeexdeen, waxaana qodobbadaas ka mid ah in la helo Somaliland loo wada siman yahay oo aan la kala lahayn iyo ambaqaadka wadahadallada labada dhinac u socday. In Dastuurka Somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood-qaybsi cadaalad ku dhisan, maamul-daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo, in shir kale la isugu yimaaddo tobanka bisha Julay 2017, laguna qabto magaalada Burco, si loogu dhammaystiro waxyaabaha qabyada ah.

Prof: Cali Khaliif Galaydh, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamed Sheekh, Culimo iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda gobollada Buuhoodle iyo Sool, ayaa dhammaantood halkaas ka hadlay, soona dhaweeyey heshiiskaas, iyaga oo faahfaahiyey muhiimadda heshiiskaas.

Haddaba, Heshiiskaasi sidii uu u dhacay, Qodobbada uu ka kooban yahay oo Wasiir Sacad Akhriyayo, hadallada Siyaasiyiinta, Culimada iyo Madax-dhaqameedku halkaas ka jeediyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.