Sheekh ku Taliyey in Culimada Masaajiddadu Salaadda Habeenkii Demiyaan Samacadaha Codka dheer

SHEEKH YUUSUF NUUX XUSEEN OO KU TALIYEY IN CODKA DHEER MASJIDDADU DEMIYAAN SALAADDA HABEENKII 16 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Yuusuf Nuux Xuseen oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa Musheekhda Masaajiddada magaalooyinka dalka ugu baaqay in Salaatu-laylka ama Taajudka Habeenkii Niska dhexe loo kaco tobanka dambe ee Bisha Ramadaan oo xalay bilaabmay in Cod-baahiyeyaasha Qaylada dheer ay demiyaan oo ay Sacadaha gudaha Masjidka ku filan uun isticmaalaan.

SHEEKH YUUSUF NUUX XUSEEN OO KU TALIYEY IN CODKA DHEER MASJIDDADU DEMIYAAN SALAADDA HABEENKII 16 JUNE 2017
SHEEKH YUUSUF NUUX XUSEEN OO KU TALIYEY IN CODKA DHEER MASJIDDADU DEMIYAAN SALAADDA HABEENKII 16 JUNE 2017

Sheekh Yuusuf waxa uu sheegay inay jiraan Dad Xanuunsanaya oo Masaajiddada la jaar ah, Dad waawayn oo Hooyooyin iyo Aabbayaal ba ah oo intay Taraawiixdii tukadeen aan Salaatu-laylka u kici karin ama awoodin iyo Carruur yaryar oo ku sasaya, sidaa daraaddeedna ay habboon tahay in laga daayo Samacadaha Codka dheer ee Habeenkii Masaajiddadu isticmaalayaan.

Waxa uu Sheekh Yuusuf Nuux Xuseen sharraxay Axaadiis Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo naxariis Allaah korkiisa ha yeelee ka soo arooray ee la xidhiidha Codka dheer ee Salaadda Sunnaha ah ee Habeenkii.

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu maanta Bulsho TV kula hadlay Hargeysa, waxaanan Hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.