Maxay Is-fareen Siyaasiyiinta Reer Hargeysa ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho Xilka Kula Kala Wareegay?

MAHADI MAXAMED GUULEED (KHADAR) IYO MAXAMED CUMAR CARTE OO XILKA LA KALA WAREEGAY APRIL 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Siyaasiyiin Reer Hargeysa ah, ayaa Xarunta Madaxtooayda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho xilka kulak ala wareegay Sabtidii, kuwaas oo kala ah Raysal-wasaare Ku-xigeenka cusub Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Dhiggiisii hore Maxamed Cumar Carte oo isagu xilkaas wareejiyey.

MAHADI MAXAMED GUULEED (KHADAR) IYO MAXAMED CUMAR CARTE OO XILKA LA KALA WAREEGAY APRIL 2017
MAHADI MAXAMED GUULEED (KHADAR) IYO MAXAMED CUMAR CARTE OO XILKA LA KALA WAREEGAY APRIL 2017

Labadan Siyaasi ee xilkaas Ku-xigeenka Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la kala wareegay, ayaa labadooduba ka soo jeeda ama u dhashay Somaliland gaar ahaan reer Hargeysa ah. Waxaanu midba midka kale faray inuu Shaqada Qaranka Soomaaliya halka uu kaga jiro iyo meel ka wacanba ka sii wado.

Ku-xigeenkii Raysal-wasaarihii Xukuumaddii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo laba sannadood xilkaas hayey oo ku-xigeen u ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo dhiggiisa cusub ee uu xilka ku wareejinayo oo uu sheegay inay isku reer Hargeysa yihiin, muddona ka wada shaqaynayeen Xafiiska Hay’adda UNDP ee magaalada Hargeysa.

Maxamed Cumar Carte waxa uu sheegay inuu ku soo dhawaynayo Mahdi Maxamed Guuleed Xafiis uu laba Sano ka shaqaynayey, isla markaana muddadaa wax badan oo horumar ahi u qabsoomay Xafiis ahaan, isla markaana uu rejaynayo in dhiggiisa cusub Mahdi halkaas ka sii wado, kana sii horumariyo hawlaha socday iyo kuwa hore u qabsoomayba halka uu kaga tegay isagu.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore oo hadda ah Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan Mudane Carte, ayaa intaa ka dib ku wareejiyay Xilka Ra’iisal-wasaare Ku-xigeenka cusub Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo uu u rejeeyey in uu ku guulaysan doono howlaha horyaalla, maadaama oo uu yahay Nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arrimaha Soomaaliya ka jira.

Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka cusub  Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa xil wareejinta ka dib u mahad-celiyey Maxamed Cumar Carte, isaga oo kula dardaarmay Shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan Hay’addaha dawladda in gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo si hufan ugu gudan lahaa.

”Anigoo kalsooni buuxda ku qaba Mudane Maxamed Cumar waan ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Illaahay ka rejaynayo inuu dalka ka qabto, iyadoo taasna noo suurtagelin doono waqtiga Annagoo kaashanayna dawladeenna iyo Shacabka Soomaaliyeed.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaare Ku-xigeenka cusub ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.