Somaliland Maxay ka tidhi Heshiiska Puntland DP World ku siisay Dekedda Boosaaso & Caawimo Soomaaliya soo waddo?

WASIIRKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA SOMALILAND CISMAAN CABDILLAAHI SAXARDIID (CADDAANI) 2017

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Soomaaliya Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ahna Afhayeenka Xukuumadda, ayaa sheegay inay Somaliland Hambalyeynayso Dawladda iyo Shacabka Maamul-goboleedka Somaliland ee Puntland oo uu sheegay inay ku hambalyeynayaan Heshiiska Dekedda Boosaaso ee uu Maamulkaasi la galay dawladda Imaaraadka Carabta toddobaadkii hore.

WASIIRKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA SOMALILAND CISMAAN CABDILLAAHI SAXARDIID (CADDAANI) 2017
WASIIRKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA SOMALILAND CISMAAN CABDILLAAHI SAXARDIID (CADDAANI) 2017

Shirkadda Maamusha Dekedaha ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee Dubai Ports World, ayaa sannadkii hore heshiis la gashay Somaliland, kaas oo dhigaya inay muddo 30 sano ah iyo toban dheeraad ah 40-sano gacanta ku hayso Maamulka Dekedda Berbera oo lagu wareejiyey kawdii bishii hore ee Maarso 2017-ka.

Waxaanay Toddobaadkii hore isla shirkaddaas DP World heshiis ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, heshiiskaas oo dhigaya inay muddo 30 sano ah DP World gacanta ku hayso Maamulka Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Dhulka Puntland.

Geesta kale, Wasiir Caddaani waxa uu ka hadlay Caawimo qayb ka ah Gurmadka Abaaraha Somaliland oo ay Dawladda Soomaaliya waddo inay soo gaadhsiiso, taasoo uu tilmaamay inay soo dhawaynayaan. Hase-yeeshee, mar uu xalay ka hadlay arrimahaas, waxa uu ka digay Wasiir Caddaani in la siyaasadeeyo, waxaanu ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay ku kala-qaybinayso Shacabka Somaliland gargaarka ay soo waddo.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.