Hargeysa(Aftahannews):- Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax), ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Wasiirrada Somaliland wax kaga qabanayso dhibaatada Sicir-bararka Muceeshadda iyo Kacdoonka Suuqyada keentay ee qiimaha Sarrifka Doollarka, kaas oo uu ku bogaadiyey sida Madaxweyne Siilaanyo isla xalay-ba Digreetada ugu dhaqangeliyey, waxaanu ka hadlay dhibaatada adeegga Zaad ee Shirkadda Telesom iyo weliba Xanuunnada ka dhasha Taawarrada Shirkadaha Isgaadhsiinta.
Abwaan Laab-saalax, waxa uu sheegay in durba is-beddel muuqda oo la xidhiidha qiimaha sarrifka Lacagta Doollarka Maraykanku saaka ka marayey Suuqyada Hargeysa uu muujinayo in Ganacsatadu maamulayeen Sarrifka Lacagta Doollarka iyo qiimo-tirka Lacagta Somaliland.
Waxa uu arrimahaa saamaynta Sicir-bararka, tallaabada dawladdu ka qaadday ama waxa ay go’aamisay iyo dhibaatada Shirkadaha isgaadhsiinta, gaar ahaan Shirkadda Telesom kaga hadlay Abwaan Laabsaalax Shir Jaraa’id oo uu Arbacadii Maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanannu Hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.