Maamulka Khaatumo Oo Jeelka Ku Guray Weriye-yaashi Buhoodle

Suxufiyiinta_Buuhoodle_HOL

Buuhoodle(Aftahan News) Kadib Markii maalinnamadii shalay ay shir-Saxaafadeed si  wadajir ah ay u qabteen qaar kamda wariyeyaasha Warbaahinta kala duwan uga hawl gala magaalada Buuhoodle taasoo ay kaga wada hadleen tallaabao dhawaan kaga timi Maamulka Kooxda Khaatumo.

 
ayay Kusheegeen inay Joojiyeen Lashaqayntii  Khaatumo waxaa  saaka aroornimadii hore lagu xidhay guri kiro ah oo Ay Ka Deggan Yihiin Buuhoodle kooxda  Khaatumo wariyeyaasha ka hawl gala magaalada Buuhoodle,kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka hor yimaadeen Maamulka kooxda Khaatumo. 

Wariyeyaasha laxidhay ayaa Kala Ah
Cali Cismaan Yuusuf (Cali Dhagjar) Wakiilka Somalichannel Buuhoodle
Axmed Maxamed Nadiif Radio Daljir iyo Kalsan TV Buuhoodle

 Khadar Cawl Ismaaciil Radio Daljir iyo Royal TV Buuhoodle(Agaasimaha Radio Daljir G/cayn)

Maxamed Cali Bile SNTV Buuhoodle(Warbaahinta Qaranka Somalia)

Mahad Maxamed Axmed (Kilwe) Radio Daljir.
Warar hoose ayaa sheegaya in hadda Hadda ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ay dadwynaha reer Buuhoodle ku diidan yiiin xadhiga warriyeyaasha kuwaasoo isugu yimi guriga u kiraysan kooxda Khaatumo ee lagu xidhay wariyeyaasha.

odayaasha deegaanka ayaa la sheegay inay imika ku hawlan yihiin sidii loo sii dayn lahaa shanta Wariye ee la xidhay kuwaasoo waan waan ka dhex wada Maamulka kooxda Khaatumo iyo Warfidiyeennada xidhan oo ku doodaya in siffo sharci darro ah loo xidhay wax dambi ahna aanay galin.

 

Aftahan News

Buhoodle/Office