Magacyada & Beelaha Xubnaha Somaliland ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay & Xiisaha Walaalo Tartamay

LABA WALAALO AH OO KU TARTAMAY XILDHIBAANNIMADA BAARLAMAANKA SOMALIA 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Doorashada Aqalka Hoose ee Xildhibannada dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelaha gobollada Somaliland ee loo dooranayo Mudanayaasha cusub ee Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, ayaa Isniintii Maanta dib uga billaabatay magaalada Muqdisho, ka didb markii dhawaan ay Guddiga doorashooyinku u joojiyeen khilaaf gacan-ka-hadal gaadhay oo ka dhex-dhacay Xarunta dooarshada.

LABA WALAALO AH OO KU TARTAMAY XILDHIBAANNIMADA BAARLAMAANKA SOMALIA 2016
LABA WALAALO AH OO KU TARTAMAY XILDHIBAANNIMADA BAARLAMAANKA SOMALIA 2016

Doorashada Xubnaha Somaliland u dhashay oo labadii toddobaad ee u dambeeyey marna bilaabmaysay marna hakad galayey, ayaa Maanta dib uga bilaabantay Muqdisho, waxaana la doortay Lix Xildhibaan oo ay laba Musharrax oo Walaalo ahi kursi ka mid ah lixdaa Kursi ku tartameen. Ka dib markii ay Guddiga doorashada heer federaal dib u fasaxday doorashada oo todobaadyadii ugu danbeeyayba hakad ku jirtay, ka dib markii la sheegay in leysku khilaafay Ergada Xildhibaannada dooranaysa.

Waxay Doorashadaa shalay ee Lixda Xildhibaan ku soo baxeen ku bilaabantay oo ay u kala guulaysteen sidan hoos ku xusan: Kursiga Beesha Ciise, Dalool, Furlabe ayaa waxaa ku guuleysatay Khadra Maxamed Tukaale oo heshay 25 cod, halka Sacaada Aadan Axmed ay heshay 22 cod, sidaas darteed waxay guushu raacday Khadra Tukaale.

Ismaaciil Cabdiraxmaan Bashiir, ayaa ku guuleystay Kursiga Beesha Habar-yoonis, Jufada Sacad Yoonis, isaga oo helay 33 Cod, waxaana uu ka guuleystay Xildhibaan hore Baarlamaanka uga tirsanaa oo difaacanayay Kursigaas.

Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre, ayaa ku guuleystay Kursiga Beesha Ciise, gaar ahaan Jufada Haroone, waxaa uu helay 25 Cod, waxaanu si dirqi ah uga guuleystay Xaamud Cali Xasan oo ahaa Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya, waxa uu Xaamud helay 22 Cod, iyadoo 48 Ergay oo keliya ay codeyneysay Kursigan.

Sidoo kale, waxaa Kursi1ga Beesha Sacad Yoonis ku guuleysatay Faadumo Ismaaciil Xuseen  oo heshay 47 Cod. Suuri Diiriye Carab oo ka tirsanayd Mudanayaasha Baarlamaanka wakhtigiisu dhammaaday, ayaa mar kale difaacatay Kursiga ay ku fadhiday ee Beesha Habar-Jeclo/ Maxamed Abokor, waxaanay heshay 37 Cod.

Hasse-ahaatee, doorashadii ugu xiisadaha badneyd Maanta, ayey ku tartameen laba Musharrax oo Walaalo ah oo la kala yidhaahdo; Cabdiraxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge.  Waxa ay natiijada doorashadaasi noqontay in Cabdiraxmaan Axmed Suge ku guuleysto halka Musharixii la tartamayay oo ahaa Walaalkii Maxamed Axmed Suge uu hellay 4 Cod oo keliya, waxaase doorashadan xiise kale u sii yeellay Codadka Xumaaday oo gaadhayey 18 Cod, kuwaasoo ku tartamayey Kursiga Beesha Ciise, Jufada Walaal-doon.

Xubnahan Maanta soo baxay ee la doortay, ayaa ka dhigan in doorashada guud ahaan Xildhibaannada Aqalka hoose ee gobollada Somaliland tahay mid heer gebagabo ah ku dhaw. Inkaasta oo ay Guddiga doorashada Dadban ee Federaalka Soomaaliya, ayaa Axaddii War ay soo saareen ku sheegay inay hakiyeen doorashada Jufooyinka Somaliland u dhashay qaarkood.

Waxay Guddiga doorashadu sheegeen inaanay sharci u aqoonsan doonin Xubnaha ay doorteen Beelaha Dhamal Aadan iyo Abbokor Muuse ee Beesha Ciidagale oo 16-kii bishan doorashadoodu ka qabsoontay Muqdisho, taasoo ay ku sababeeyeen in la qalday nidaamka ay ahayd in loo doorto, muranna soo dhex-galay, sidaas awgeedna ay Guddi heer Qaran ah u saareen dhammaystirka hawlahaas.

Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u meteli doona gobollada Somaliland oo Qoondo ahaan ama Saami ahaan dhan 46 Xildhibaan, ayaa tan iyo horraantii bishan markii ay doorashadoodu ka bilaabantay Muqdisho la doortay 25 Xildhibaan marka lagu daro Xubnaha maanta la doortay, halka ay ka hadhsan yihiin 21 Mudane oo aan weli doorashadoodu dhicin.

Balse, Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka tirsan Guddiga Sare ee doorashada ee heer Federaal oo Maanta Kormeer ku joogay Hoolka doorashadaasi ka dhacaysay, ayaa VOA-da u sheegay in ay ku talo-jiraan inay illaa Khamiista ku dhammaystiraan doorashada Xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee hadhsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.