Tirada Garsoorayaal Iska Casilay Maxkamadaha Awdal & Sababta ku Kalliftay oo ay ka hadleen – Daawo

GARSOORAYAAL ISKA CASILAY MAXKAMADAHA GOBOLKA AWDAL 2016

Boorama(Aftahannews):- Afar Garsoore oo ka tirsanaa Garsoorayaasha ka hawlgala Maxkamadaha gobolka Awdal ee degmada Boorama, kuwaasoo uu ka sii horreeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka gobolka Awdal, waxaanay Garsoorayaashan oo Shir Jaraa’id Jimcihii maanta ku qabtay Boorama ku sheegeen inay iska casileen arrimo la xidhiidho caddaalad-darro.

GARSOORAYAAL ISKA CASILAY MAXKAMADAHA GOBOLKA AWDAL 2016
GARSOORAYAAL ISKA CASILAY MAXKAMADAHA GOBOLKA AWDAL 2016

Waxay ku doodeen Garsoorayaashan iska casilay Maxkamadaha Awdal iyo Selel ee ay ka hawlgeli jireen, inay jirto caddaalad-darro iyo in go’aankasta oo la gaadhayo cid gaar ahi gaadhayso oo cid kale oo wax laga dhegaysanayaa jirin, isla markaana aanay Bulshadu u sinnayn Caddaaladda looga baahan yahay Garsoorka.

Haddaba, Shirka Jaraa’id ee ay ku qabteen Garsoorayaashani magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal faahfaahinta ay ku bixiyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.