Puntland Oo laga xusay maalinta saxaafada soomaaliya

150

Garowe (Aftahan News)Magaalada Garowe ee Casimada Puntland waxay ka mid tahay meelaha sida weyn looga xusay maalinta Xuska saxaafda somaaliya munaasibad baaldhan ayaa lagu qabtay magaalda garowe munaasibadan lagu xusayay maalinta saxaafda somaaliya ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirkii hore ee Qoyska iyo Haweenka,Wasiirkii hore ee Warfaafinta,Sarkiisha Wasaaradda Warfaafinta,Madaxda Ururka MAP,,Suxufiyiin,Bulshadda rayidkka ah,

Gudoomiye ku xigeenka ururka saxafiiyinta puntland ee marka magaciisa la soo gabiyo loo yaqaan MAP Maxamed Daahir Yuusuf (Saalim) oo munaasabadda ka hadlay ayaa kasoo sheekeyey marxaladaha kala duwan ee ay kusoo shaqeyeen suxufiyiinta soomaaliyeed ,iyadoo uu xusay in xaalka shaqadu uu yahay mid qalafsan,isla markaana aanay warfidiyeenku helin ixtiraam iyo ilaalin amnigooda guud ahaan soomaaliya. mr maxamed  waxaa uu ku booriyey wariyayaasha soomaaliyeed in looga bahanyahay in ay dardargeliyaan shaqadda ,isla markaana ay bulshada ugu adegaan sida ugu haboon xog dhab ah ay u gaadhsiin lahayeen.

waxaa uu sheegay in dadaal dheer lagu galay sidii loo heli lahaa sharciga warbahinta puntland,kaasi oo kalsooni buuxda lagu qabo in uu fududeyndoono wadashaqaynta iyo dhowrista xuquuqda la xidhiidha arrimaha war tabinta iyo warfidiyeenadda,waxa kaloo uu sheegay in xeerkani kasoo gudbay xukuumadda isla markaana ay u dhimantahay in ay ansixiyaan Golaha wakiiladda puntland ee Cusub isla markaana uu saxiixo Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Caasho Geelle Diiriye oo mar wasiir haween kasoo noqotay xukumadii hore ee Farole ayaa warbaahinta Puntland usoo jeedisay ammaan,waxayna sheegtay inay saaxiib dhow la tahay ayna xili kasta jeceshahay inay lasii shaqayso,xaflada caleemo saarka madaxa cusub ee dowladda ayay sheegtay inay ku caasuntay ayna qayb ka qaadan doonaan inta ay socoto. Qaar ka mid ah suxufiyiinta xuska maalinta warbaahinta Somalia kasoo qayb galay oo hadlay ayaa soo dhaweeyay in xili kasta la muujiyo midnimo saxaafadeed,isla markasna aan la ilaawin xuska maalmahan oo kale.

Ku simaha wasiirka warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Shiikh Jaamac oo gaba-gabadii munaasibada soo xidhay ayaa boggaadiy saxaafada Puntland iyo tan Somaliya,wuxuna sheegay intuu uu xilka hayay inay wada shaqayn wanaagsani dhex martay warbaahinta. Sharciga saxaafada ayuu sheegay Axmed Shiikh Jaamac inuu horgayn doono gollaha baarlamaanka,si ay u meel mariyaan,waxa kale uu sheegay suxufiyiinta inay u wanaagsan tahay inay samaysteen sharci shaqeed hagaya howsha ay gacanta ku hayaan,si meesha ay uga baxdo is-qab qabsi iyo khilaaf yimaada.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan oo mararka qaar ku adkayd helitaanka xogo isku dheeli tiran,balse waxaa lagu tilmaamaa warbaahinta dalka sanooyinkii danbe kuwo sameeyay hormar kala duwan.

150

143

145

Aftahan News

Garowe/Puntland/Office