Baarlamaanka Soomaaliya oo aqlabiyad ku ansixiyey Xukuumadda Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh

Muqdisho(Aftahannews):- Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Salaaddii Maqrib ee caawa wax yar ka hor Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo maanta la horgeeyey Golaha Shacabka si ay kalsoonida u siiyaan.

20131221635232094115509270IMG_8761

Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxaa codeeyay 233 xildhibaan iyadoo 186 ka mid ah ay ku codeeyeen HAA, halka 46 mudane ay iyaguna ku codeeyeen MYA, waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, iyagoo markaas kaddib uu hoolka baarlamaanka ka billowday sawaxan ay sameynayaan xubnaha golaha wasiirrada oo intooda badan ku sugnaa hoolka uu kulanku ka socday si ay u muujiyaan farxaddood.

Xildhibaanno ka badan sideetan ayaa hadallo ka jeediyay hoolka shirarka baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo codeyn xukuumadda, kuwaasoo ahaa kuwo aragtiyo kala duwan ka bixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka gaashandhigga Soomaaliya, xildhibaan C/lla Xuseen Cali oo codeynta kaddib la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida kalsoonida loo siiyay.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo hadlay ayaa sheegay in berri oo Arbaco ah la dhaarin doono golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, mana jirin hadal uu jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed codeynta kaddib.

Balse ra’iisul wasaaraha ayaa hadal uu furitaankii kulanka baarlamaanka ka jeediyay aad ugu sharraxay inay xukuumaddiisu qaban doonto howlo fara badan oo horyaalla haddii ay codka kalsoonida hesho, kuwaasoo ay ka mid yihiin adkeynta nabadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo dhismaha ciidamada dalka oo uu sheegay inay tiradoodu noqonayso 28,000 oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda.

Golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda Somalia oo ka kooban 55-xubnood ayaa intooda badan waxay yihiin xildhibaanno, waxaana xubno horay uga tirsanaa xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay ee Saacid.

Aftahannews.com                                                                           

Muqdisho/Office/Soomaaliya.