Wasiir Xagla-toosiye oo ka war-bixiyey ujeeddada safar uu ugu baxay Finland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye)  oo maanta saxaafda kula hadalay Madaarka Hargaysa, ayaa sheegay inuu Socdaal  ku tagayo dalka Finland Magaalada Helesinki, isla markaana ka qaybgelayo shir kor loogu qaadayo adeegyda Caafimaadka Somaliland.

xaglatoosiye (1)

Wasiirk cafimaadka somaliland ayaa uga digay maamulka puntland  in  Ay isku Dayin  Duulaan ay  Kusoo Qaado Deegaanda Sool Sanaag Bari iyo Buuhoodle oo ah degaano somaliland ah xukuumdana ay Ka Go antahay in Ay Difaacdo Dhulka somaliland waxna ka mid ah hadaladiisi

“Dorshada Puntland Ka dhacaday waanu soo dhawaynyna una malyan maayo in ay samayn ku yeelan doonto somaliland cabdi weli waanu is naqaana waa nin aqoon leh una malyn maayo inuu ku talaabsan doono waxa khalkhal galin kara nabad galyda degaanda fargalina ku samayn doono degaano somaliland ah hadiise ay dhacado waxaanu xaq uleenahay inaanu iska difaacno mana dawan doono xad gudub lagu samaynaayo qarankan siiba degaanda Sool Sanaag bari ama buhoodle degaandaasi waa somaliland waxaan rajeenya in nabad galayo lagu wada noolado waxaan lee yahay ha iska ilaaliso Puntland waxa kasta oo xasilooni daro keeni kara”

wasiirka cafimaadka somaliland Salebaan xaglotoosiye oo warbaahintu waydiisay goorta uu tagi doono degaanda uu puntland uga digaayo inay soo faro galiso siiba gobolka buhoodle ayaa waxa uu yidhi

“Tagistayda buhoodle insha allah waan dhaqso ayaan utagaya wax qabadka badan oo hormar lehena waan u wadnaa hadii ay tahay buhoodle iyo degaanda kale ee somaliland waxyaabo badan ayaanu ka qabanyna siiba xaga cafimaadka ee aan qaranka u hayo.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.