Qarax Dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gaalkacayo

 Gaalkacyo(Aftahannews):- Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay  todoba  qof oo kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan  qarax maanta ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee Xarunta gobolka Mudug,ka dib markii  la qarxiyay miino nooca rimuudka lagu hago ah oo lagu aasay meel suuq ah.

 Shan qof ayaa ku dhimatay, toddobo kalena way ku dhaawacantay qarax nooca rumuutka laga hago ah oo maanta ka dhacay agagaarka xarun caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa  dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa  agagaarka goobta Qaraxu ka dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac, ayaa cambaareeyay falka, wuxuuna ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay inay baadhayaan ciddii ka dambeysay qaraxa, isagoo ka  tacsiyeeyay ehelada dadka geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland.