Abwaan Jaamac-Riyo oo ku luuqeeyey Heesta uu ku dhalliilayo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa

Hargeysa(Aftnn):- Abwaan Jaamac Faarax  Axmed (Jaamac-Riyo) oo ah Heesaa iyo Hal-abuur caan ah, isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa hees uu dhawaan hal-abuuray oo uu ku dhalliilayo hoggaaminta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo hab-dhaqanka Xukuumaddiisa, ku luuqeeyey oo soo saaray Heestaas oo uu xataa toddobaadkiii hore ku mutaystay dagaal gacan-ka-hadal ah.

Heestan oo ah hees cusub oo uu tiriyay Xildhibaan Abwaan Jaamac-Riyo, ayaa waxay warbaahinta soo gaadhay 18-1-2014. Jaamac-Riyo, ayaa ahaa Abwaankii sameeyay heestii Caanka ka noqotay xilligii Xukuumaddii UDUB ee uu Daahir Rayaale Kaahin hoggaaminayey oo hal-ku-dheggeedu ahaa; “DILLAAL NOO DHUUNTAYOO KA DHAADHAC.”

Heestaas ayaa loo nus-beeyo inay hormuud u ahayd mucaaridaddii shacabka reer Somaliland ee keentay inuu guul-darraysto Md. Rayaale iyo Xisbigiisu doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010-kii oo uu talada ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo oo hoggaaminayey Xisbiga KULMIYE oo uu markaa Jaamac-riyo ka tirsanaa, isla markaana uu si weyn ugala qayb-qaatay Heestaa ka sokow halgankii ololaha doorashada.

Hase-yeeshee, Heestan cusub ee uu Abwaan+Xildhibaan Jaamac-Riyo uu dhawaan curiyey ee uu ku dhalliilanyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, ayaa Hal-ku-dheggeedu yahay; “KA DAATA, DIIR IYO AYAX OOMMANOOW KA DAATA.

“Ka soo doog ayaan lahaaye  kasii dar haddey ahaatay Dan guud iyo Boobisteeda adoo duma baa karoonee adiga iyo doorxulashadaada  Dushiina ceebitaale  Soo Daata ka daata  Diir iyo Ayax oomanoow ka daata kuwii idinkaa kadaranee ka data  Daata Daata Guruubka Isdoortayoo ka daata. Haddaba, si aad Heestaa u dhegaysato guji halkan hoose.

 

Aftahannews.com

nuuraani90@gmail.com

Hargeysa Somaliland