Britain oo Kumannaan Qof oo Cusub u qoranaysa Shaqo Sirdoon-nimo ah iyo Sababaha keenay

London(Aftahannews):- Dawladda Britain, ayaa ku dhawaaqday Lacago dheeraad ah oo la siinayo Laamaha ammaanka si ay uga hor-tagaan halista Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ee Daacish oo ka dagaallanta dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya qaybo ka tirsan, isla markaana bilawday weerarro ay ka fuliso gudaha waddamada Yurub.

M16 BRITAIN

LONDON

Lacagtan ay Dawladda Britain waxay Hay’addaha Sirdoonka ee MI5, MI6, GCHQ, u oggolaan doontaa in ay qortaan 1,900 oo qof oo cusub oo helidda Siraha kala shaqeeya. Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Britain, ayaa iyagana la filayaa in ay ku heshiiyaan in la kordhiyo dhaqaalaha lagu bixiyo ammaanka duullimaadyada Hawada.

Arrintani waxay imaanaysaa ka dib weerarro habeennimadii Sabtidu soo galaysay ka dhacay magaalada Paris ee Caasimadda waddanka Faransiiska, kuwaasoo ay ku dhinteen 129 qof, iyada oo uu ka mid ahaa dadkaasi qof British ah, kooxda isugu yeerdhay Dawladda Islaamka ee Daacish, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarradaas oo qaraxyo iyo rasaasayn isugu jiray, lagana fuliyey lix goobood oo ku yaalla Caasimadda Paris.

Raysal-wasaaraha Britain David Cameron, ayaa sheegay in ay tahay halgan soo foodsaaraya Jiil dhan. “Waa Halgan soo foodsaaraya Jiil dhan, isla markaana loo baahanyahay in aan u adeegsanno dad la dagaallama kuwa doonaya in ay burburiyaan dalkeenna, dadkiisa iyo qiyamkooda-ba.” Sidaa ayuu yidhi David Cameron.

Hal daqiiqo ayaa laga aammusay waddanka Britain, iyada oo loogu Baroordiiqayo dadkii ku waxyeelloobay weerarradii Pairs, Yurub oo dhana daqiiqad ayaa laga aammusi doonaa markay maalintu kala Badh marayso wakhtiga Faransiiska.

Nick Alexander, oo British, ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday weerarka Paris, Wasiirrada arrimaha gudaha ee Britain, Theresa May, waxay sheegtay in ay dad kale oo British ahna ku dhaawacmeen weerarkaasi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.