Abwaan Sangub oo Dawladda Soomaaliya ugu Baaqay inay iclaamiso dagaal lala galo Kenya

ABWAAN SANGUB

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), ayaa si adag uga hadlay Xad-gudubka ay dawladda Kenya ku hayso Xadka dhulka iyo ka Badda ee Soomaaliya ay la wadaagto, isla markaana ku baaqay inay dawladda Federaalka iyo ummadda Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan oo ay dagaal ku galaan gudaha waddanka Kenya.

ABWAAN SANGUB
ABWAAN SANGUB

Todobaadkii la soo dhaafay ayay dadka ku nool degaanno u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya sheegeen in dawladda Kenya baabi’inayso calaamadaha xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, ka dibna gudaha u soo galayso dhulka Soomaaliya.

Dhulka calaamadaha laga burburiyay ayaa ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Beled-Xaawo ee Soomaaliya iyo Mandheera ee Kenya. Waxay dadka dhulkaas aqoonta u lihi ku doodeen in Kenya damacsan tahay inay xadkeeda dhuleed ku simayso xuduudkeeda Badeed ay Soomaaliya ku muransan yihiin,si ay ugu guulaysato damaceeda Badda.

Guddoomiyaha Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), oo Jimcihii shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegay in Kenya haysato qaybo Soomaaliya ka tirsan, kuna muransan tahay qaybo Badda ka tirsan, immikana ay doonayso inay in badan oo kale ay la wareegto, sidaas awgeedna loo baahan yahay in laga dagaallamo, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay ninka dhoofayoow joog, ninka dhuuntayoo soo bax, ninka dhega-la’oow hadal, dhufays nin qotaa waa fulaye dhammaanteen weerar baan nahay.”

“Waxaan leeyahay dawladdayadu waa inay codka shacabka raacdo oo ay si deg-deg ah Cilaaqaadka ugu goyso Kenya, si deg-deg ahna u dagaal-gasho, dharaarta afraadna waa inay Nairobi oo ay qabsadaan. Caalamka waxaannu u sheegaynaa in gardarradu nagu badan tahay. Waxay odhan jireen unadu ama sheegi jireen dawlad xor ah lama weerari karo, waa nala weeraraye maxay ka hadleen? Waxay u hadlaan Kiristanka.” Sidaa ayuu yidhi Abwaan Sangub.

Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), oo la hadlaya Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, waxa uu u soo jeediyey oo yidhi; “Xasan Sheekh waxaan leeyahay Tuutaha gasho galabta (shalay), caawa (xalay) haku baryo, tuutaha adoo wata nagu hoggaami. Ma Tol-li’id, ma Soomaali’lid, ma Ciidan li’id ma Hub li’id, ma Dhalinyaro li’id, ma dhaqaala li’id, wax kale oo aad ka baqaysaa ma jiro ee na hor-mar.”

Geesta kale, Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo isna la hadlay Warbaahinta Khamiistii ka dib kulan ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho, ayaa sheegay inay arrinta Darbigan ka doodeen Wasiirrada, isagoo intaas ku daray in Mawqifka dawladda Soomaaliya ee Darbigan lagala tashan, sidaas awgeedna aanay oggoleyn in Dayrkaas ay Kenya ka dhisto xadka.

“Mawqifka dawladda Soomaaliya ee ku aaddan Darbiga ay Kenya ka dhisayso soohdinta waa cad-yahay, mana oggolin, dhawaan Wefti uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya hoggaaminayay oo aan ka mid ahaa waxaan kala hadalnay Madaxda Kenya Darbigan, waxaanay noo sheegeen inaanay taasi jirin. Dorraad markay arrinta Dabigu ay soo cusboonaatayna, Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte wuxuu u yeedhay Danjiraha Kenya ee Soomaaliya oo uu u gudbiyay cabasho rasmi ah oo Darbigan ku aaddan, iyadoo loo sheegay in dawladda Soomaaliya aanay Darbigan dhismihiisa oggoleyn, jawaab ayaanannu ka sugaynaa Kenya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa VOA-da u sheegay in Madaxweynaha Kenya ka aqbalay Qoraal uu u gudbiyey oo ay Soomaaliya ku dalbanayso in la hakiyo Darbiga ay ka dhisayso Xadka ay Soomaaliya la wadaagto, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha Kenya wuxuu noo sheegay inaanay weligood ku fikirin in Darbi ay ka dhisaan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna ii sheegay inuu yahay warkaas mid khalad ah oo la faa’iyay.”

Dawladda Kenya, ayaa xad-gudub ku samaysay, isla markaana ku muransan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya, waxaanay sheeganaysaa inay Badda dhinaca la isku haysto iyadu leedahay oo aanay Soomaaliya lahayn, waxaana Dacwadda Muranka Xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya ay labada dawladood-ba u gudbiyeen Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee dunida ee Huge, taasoo aanay weli Dacwaddu si rasmi ah uga furmin, balse gacanta ku haysa.

Waxaana la sheegayaa in Beesha caalamka iyo Shirkadaha waawayn ee Shidaalka ee dunidu dabada ka riixayaan ku muranka Badda Soomaaliya oo qaybta ay sheeganayso lagu sheegay inay ka mid tahay meelaha ugu khayraadka badan Badda dalka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.