Guddoomiyaha Wajaale oo Xidhay Masuuliyiinta Waaxda Dhulka iyo Nin Ganacsade ka ah Degmadaas

Wajaale(Aftahannews):- Guddoomiyaha degmada Wajaale Cabdi Saleebaan Xasan, ayaa xabsiga dhigay Sabtidii Maanta Masuuliyiinta dawladda hoose ee degmadaas u qaabbilsan Waaxda dhulka iyo Ganacsade degmadaas deggan, kuwaasoo la sheegay inuu Guddoomiyuhu ku eedeeyey inay si sharci-darro ah u bixiyeen dhul dan guud ah.

Weriyeyaal ka hawlgala Aftahannews oo isku dayey inuu xidhiidh la sameeyo Guddoomiyaha degmada Tog-Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley Aadan Muuse Cilmi (Shiine) si aannu warkan uga xaqiijinno, ayaanay noo suuragelin inaannu dhiniciisa wax war ah ka helno, ka dib markii aannu la kulannay Taleefankiisa Gacanta oo xidhan ama demsan marar kala duwan oo aannu caawa ka wacnay.

Hase-yeeshee, sida uu baahiyey Telefeshinka Horn Cable, waxaa xidhan Ganacsadaha Dhulkaasi lagu wareejiyay oo loo haysto inuu waddo xidhay, iyadoo degmadaasi la sheegayo inay baahi u qabto jidadka maaddaama oo ay inta badan waddooyinku yihiin kuwo cidhiidhi ah una baahan in waddooyin qorshaysan laga saaro ama laga sameeyo. Balse xogaha laga helayo ayaa sheegay in Madaxa dhulka ee dawladda hoose lagu haysto dhul waddo ah oo uu bixiyay. Waxaanu intaas ku daray inay xidhan yihiin laba Masuul oo dawladda hoose ka tirsan iyo ninkaas Gacansadaha ahi.

Guddoomiyaha degmada Wajaale ayaan wali bulshada u sheegin Baaxadda Dembiga loo haysto Masuuliyiinta arrimaha Dhulka u qaabbilsan degmada, iyadoo guud ahaan Somaliland ay ka jirto in si aan shuruucda waafaqsanayn loo bixiyo hantida ummadda ka dhexaysa ee Dhulku ugu horreeyo.  Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Warkaas Xadhigga ee Tog-Wajaale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.