PARIS: Goobaha la weeraray, Tirada ku dhimatay, Caalamka oo ka hadlay, Daacish oo sheegatay & Wararkii u dambeeyey

Paris(Aftahannews)- Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxaya weerarradii Xalay lagu qaaday Magaalada Paris ee Caasimadda Waddanka Faransiiska, ayaa waxa lagu dilay 128 Qof, halka la dhaawacay 180 kale. Waxaana heegan la geliyey dalalka Qaaradda Yurub iyo Maraykanka oo laga cabsi qabo in weerarro kale ka dhacaan.

Paris

Kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriyo qaybo ka tirsan, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarradaas, waxaana Faransiisku qaaday weerarro dhinaca Cirka ah oo uu ka fuliyey qaybo ka tirsan dalalka Suuriya iyo Ciraaq oo uu ku bartilmaameedsanayo Fadhiisimmada Kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee Daacish ama ISIS.

Weerarradan oo iskugu jiray qaraxyo iyo weeraro toos ah, waxaa ka hadlay oo cambaareeyey Madaxweynaha Maraykanka, Madaxweynaha Faransiiska, Raysal-wasaaraha Jarmalka, Raysal-wasaaraha Britain iyo Masuuliyiin badan oo reer Yurub ah. Waxa la xannibay wadahadalka xidhiidhka Taleefanka Tooska ah ee dalalka Yurub ka tirsan oo Faransiiska, Sweserland iyo kuwo kale ka mid yihiin.

Dalalka Qaaradda Yurub, ayaa badi xalay Masuuliyiinta Madaxweynayaasha iyo Raysal-wasaarayaasha hoggaamiyaa Xukuumadohooda isugu yeedheen kulammo deg-deg ah oo lagaga arrinsanayo khatarta argaggixiso ee soo korodhay, iyagoo muujiyey inay ka xun yihiin waxa ka dhacay waddanka Faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska oo qabtay kullan gaar ah oo arrimaha amniga ku saabsan ka dib weerarrada Paris. Madaxda Ruushka iyo Iiraan ayaa si wada-jir ah u dalbaday in dagaalka ka dhanka ah Argaggixisada dhinac looga soo wada jeesto oo la iska kaashado. Dadka dhintay badan kooda waxaa loo toogtay mid mid ka dib markii koox hubeysan ay meel ku xareysteen.

Magaalada New York ee waddanka Maraykanka, ayaa Ciidammo dheeraad ah la geeyay amnigeedana la adkeeyay kaddib weeraradii Paris. Madaxweyne Obama oo ka hadlay weerarka Faransiiska lagu qaaday, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay tahay in lagu argaggax-geliyo dadka reer Yurub, isla markaana uu aad u cambaaraynayo falkaas.

Ra’iisul wasaaraha Britain David Camero, ayaa weerarada Paris ku tilmaamay wax laga argagaxo, asigoo kulminaya ciidamada amniga ee loo yaqaano COBRA ee UK si arrimaha amniga uu ugala tashado. Waxaana la sheegay in la adkeeyey ammaanka magaalooyinka Britain intooda badan, si looga hor-tago khatar kasta oo kaga soo fool leh argaggixisada.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in 153 qof ay ku dhinteen weerarada laakiin dowladda Faransiiska 120 qof ayey xaqiijisay. Todobo ka mid ah sedeeda qof ee weerarka qaaday way isqarxiyeen, halka midka kale booliska ay toogteen. seddax kamid ah waxay isku qarxiyeen garoonka ay ka socotay ciyaartii saaxiibtinimada ee Faransiiska iyo Jarmalka.

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in dhibaatadaas oo kale ay haysato ayaa tilmaamay in tallaabo adag loo baahan yahay in la qaado. Raysal-wasaarayeyaasha Jarmalka, Israa’iil, Belgium iyo dalal badan oo caalamka ah, ayaa cambaareeyey, iyagoo badi dalalka Yurub iyo dunida kaleba ammaankooda si weyn loo adkeeyey, lana xidhay badi xuduudaha.

Dalka Faransiiska, ayaa la joojiyey dhammaan isu-socodka dibedda iyo gudaha dalkaas, isla markaana waxa la xidhay Dekedaha, Madaarrada iyo Xuduudaha dhulka ee waddankaas, waxaana gudaha magaalooyinka iyo Xuduudaha kala duwan ka socda baadhitaanno culus, waxaana jira dad la tuhumay oo ay Ciidammada Ammaanku xidh-xidheen, waxa illaa 1500, oo Askari oo dheeraad ah la geeyey goobaha Bulshadu ku kulanto, Jaamacadaha iyo Iskuullada magaalada Caasimadda ah ee Paris.

Halkan hoose ka eeg Sawir muujinayo meelaha wax ka dhaceen

Paris

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.