Musharrixiinta Xisbiga UCID oo Maxkamadda Sare u gudbiyey Dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe?

Hargeysa(Aftahannews):- Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa la sheegay inay Maxkamadda Sare ee Somaliland u gudbiyeen Musharraxiinta u taagan jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen iyo Cabditrashiid Xasan Mataan, taasoo timi khilaaf toddobaadyadii u dambeeyey ka dhex taagnaa Masuuliyiinta sare ee UCID, kaasoo ay hore u sheegeen inay xalliyeen haddana la sheegay inaanu meesha ka bixin weli.

khilaaf-UCID-Jamaal-vs-Faysal

Inkasta oo aan war rasmi ah oo Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka UCID u taagani soo saareen oo ay kaga hadleen Dacwaddan jirin, haddana Shabakadaha Wararka Internet-ka qaarkood, waxay baahiyeen warar ay ka heleen ilo xog-ogaal oo xaqiijiyey in labadaas Masuul Maxkamadda Sare u gudbiyeen Dacwad ay kaga cabanayaan Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ay ila-wareedyadaasi sheegeen inay ku eedeeyeen inuu jabiyey qodobbo ka tirsan Xeerarka iyo Sharciga Xisbiga UCID, sidoo kalena jabiyey qodobbo Dastuuri ah, kuna kacay falal Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland lid ku ah.

Hase-yeeshee, Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo Tifaftiraha Wargeyska Himilo Cabdifataax Ismaaciil Mursal marar kala duwan oo xalay ah Khadka Taleefanka ka wacay, isla markaana uu warkan jiritaankiisa wax ka weydiiyey, ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin sax ah ka bixiyaan, iyagoo ku dooday inay Mashquul yihiin, iyagoo si is-diidsiin ah u yidhi; “Warkaas qaar yar-yar baa iska qoray.” Balse waxay ka gaabsadeen inay jawaab intaas ka badan ka bixiyaan oo ay si rasmi ah u beeniyaan ama u xaqiijiyaan jiritaanka warkaas.

Eedaha ay Dacwaddani xambaarsan tahay ayey Shabakadda Mandheera.com oo ka mid ah Shabakadaha warkan baahiyey sheegtay inay yihiin inuu jebiyey Xeerarka Xisbiga qaarkood, isla markaana Xisbiga ka baayacay Siyaasiyiin ka tirsan Garabka Isbahaysiga Musharrixiinta Xisbiga KULMIYE ee qaaddacay ka qaybgalka Shirkii Golaha dhexe ee Xisbigaas iyo weliba Siyaasiga Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, sida ay Mandheera.com baahisay.

Sidoo kale, Shabakadda Somaliland Informer oo Luuqadda Afka Ingiriisiga Wararka ku baahisa, ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu wadahadallo la yeeshay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo metelaya Musharraxiinta Isbahaystay ee qaaddacay shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE uu ka oggolaaday inay bixinayaan Lacag aan caddadkeeda la ogeyn, isla markaana Musharraxa Madaxwaynaha ee UCID uga qayb-galaya doorashada 2017-ka ay iska soo xulaan Musharraxiinta isbahaystay.

Warka Somaliland Informer aannu ka soo xigannay waxa uu intaa ku daray in Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo arrintaas ka xumaaday uu Maxkamadda sare u gudbiyey Dacwad uu arrintaas kaga cabanayo, isla markaana Maxkamaddu wakhti u qabatey Dacwaddaas dhageysigeeda, inkastoo aanay Shabakadda Somaliland Informer caddaynin wakhtiga rasmiga ah ee ay Maxkamaddu u qabatay dhegaysi Dacwaddaas oo warku tibaaxay in Khamiistii la gudbiyey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu warkaas wax ka weydiiyo, ayaanay noo suuragelin inaannu wax Jawaab ah ka helno saacadda oo xilli dambe ahayd iyo maalinta oo aan ahayn maalin shaqo oo ahayd Jimce shaqada laga fasax yahay awgeed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.