Dalka Faransiiska oo Xaalad Deg-deg ah lagu soo rogay iyo Xuduudaha oo la xidhay Daawo Sawirro badan

Paris(Aftahhanews)- Ka dib Qaraxyo iyo Weeraro isku xig-xigay oo goor dhawayd ka dhacay Caasimadda Faransiiska ee Paris, ayaa lagu dilay dad gaadhaya 40 Ruux halka Afduubna loo haysto dad ka badan 100 qof.

FARANSIISKA

Dagaalyahanno tiradooda lagu sheegay lix ayaa laba Qarax ka fuliyey meel u dhow garoonka Stade de Olympic oo ay ka socotay Ciyaar Saaxiibtinimo oo u dhaxeysay laba kooxood oo Jarmalka iyo Faransiiska ka socday taas oo uu daawashadeeda ka qayb-galay, waxaana qaraxyadaa ka dib la weeraray meherad laga cabo Bunka oo ku taalla Xaafadda degmada 11aad ee Paris, halkaas oo lagu dilay inta badan 40 qof ee dhintay, waxaana isla halkaa afduub loogu haystaa dad ka badan 100.

Paris 2

Ciidammada Booliska ee sida Milletariga u tababbaran ayaa markiiba la geeyay halkaa, laakiin ilaa hadda waxba kama qabanin weerarka iyo cidda fulisay ee Afduubkana u haysta dadka Faransiiska ah.

Paris 1

Dhanka kale, Madaxweynaha Faransiiska France’o Hollande oo Shir jaraa’id qabtay goor dhawayd ayaa Xaalad deg-deg ah ku soo rogay dalkiisa, waxaanu amray in la xidho xuduudaha guud ahaan Faransiiska.

Paris 3

Weerarkan waxa Cambaareeyay Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama, waxaana Xoghayaha difaaca ee Maraykanka John Kerry uu ku baaqay in Faransiiska laga caawiyo wax ka qabashada weerarkaas oo loo maleynayo inay ka dambeyso kooxda Daacish (ISIL).

Weerarkani waa weerarkii labaad ee ka dhacay magaalada Paris muddo sannad ah wax ka yar oo horraantii sannadkan bishi January weerar loo geystat xarunta Wargeyska Majajilada Charlie Hebdo, waxaana xafiska la wareray lagu dilay 12 illaa 16 qof.

La soco wixii ka soo kordha.