Dad 40 ka badan oo lagu dilay Paris, Madaxweynaha Faransiiska oo badbaaday & Tiro Afduub loo haysto

Paris(Aftahannews):- Ugu yaraan 40 Qof ayaa ku dhintay weerarro is-xigxigay oo ka dhacay Caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris, ka dib markii ay caawa Rag hubaysani ay rasaas iyo qaraxyo ku weerareen Goob uu Madaxweynaha Faransiisku Ciyaar ku daawanayey iyo goobo kale.

PARIS ATTACKS

WEERARKA PARIS EE FARANCE

Rasaas iyo qaraxyo ayaa laga maqlay laba goobood oo ku yaalla Waqooyi-Beri ee Caasimadda Paris. Qarax kale waxaa laga maqlay Garoonka Ciyaaraha ee the Stade de France ee magaaladaas, waxaanay Kooxdaasi Afduub u haystaan dad la sheegay inay boqol qof ka badan yihiin, halka dhaawac badan oo aan la xaqiijina jiro.

Madaxweynaha Faransiiska Mr. Hollande, ayaa halkaas ku daawanayay ciyaar dhax-maraysay Kooxda Qaranka iyo Koox ka socoto dalka Jarmalka. Goob lagu caweeyo ayaa la sheegay in dablay ay ku haystaan illaa iyo 100 Qof, halkaasoo ay Ciidammada gaarka u tabobbarani gaadheen.

Sawir qaade katirsan BBC-da oo joogay goobtaasi ayaa sheegay in uu arkay Meydadka illaa iyo 10 qof. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska oo halkaas Ciyaar ku daawanayey aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin weerarradaas oo ay iyagoo nabad qaba halkaas laga saaaray.

Weerarrada ayaa lagu soo warramayaa inay ka fuliyeen Caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris, innay fuliyeen dagaalyahanno tiradoodu lix ka badan tahay. Dadka inta badan waxa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen Rasaas ay kooxdaas weerarka fulisay ridayeen, waxaana marba marka dambaysa sii kordhaya tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarradaas oo caawa dhacay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.