Shirkii 7aad Ee Warbaahinta Afrika Oo Lagu Soo Gaba-Gabeeyay Johannesburg

Johannesburg(AftahanNews)-Shirkaan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa sannadkaan ka soo qeybgaleen in ka badan 600 oo xubnood oo iskugu jiray madaxda iyo wariyayaasha warbaahinta Afrika laguna qabtay  Brichwood Hotel ee magaalada Johannesburg ayaa waxaa looga arinsanaayay sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Qaarada Afrika.

20151113635829817462205767AMI 06

Kulankaan oo ay furtay madaxweynaha dalka Mauritius marwo Ameenah Gurib-Fakim ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Koonfur Afrika, Madaxa Hay’adda Africa Media Initiative oo shirkaan qabanqaabisay, Madaxa Rockefeller Foundation ee Afrika iyo madax kale oo warbaahineed.

Ajandaha sanadkaan ayaa ahaa kaalinta aqoonta casriga ah ay ku leedahay horumarinta warbaahinta Afrika, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay macluumaad la xiriiro sida qaaradda Afrika ay ugu soo badaneyso isticmaalka internet-ka iyo taleefanada gacanta ee casriga ah ee loo yaqaano (Smart Phone). Waxyaabaha looga dooday shirka ayaa waxaa ugu weynaa in la ilaaliyo xoriyadda saxaafadda, ayagoo loogu baaqay dowladaha Afrika in horumarkoodu ku xiran yahay ilaalinta xaqdhoorida warbaahinta.

Warbaahinta Afrika ayaa waxaa lagu eedeeyay inaysan ka hadlin doorka haweenka, iyadoo tusaale ahaan loogu soo qaatay haweenka nabad illaalinta ujoogo Soomaaliya ee AMISOM, waxaa sidoo kale lagu dhiiri galiyay inay wax ka qoraan horumarka beeraha iyo waxsoosaarka Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa Soomaaliya uga soo qeyb galay, Madaxa Hiiraan Online Axmed Cilmi Guure, Madaxa Warbaahinta SBC Cali Cabdi Awaare,waxaa sidoo kale shirkaani goob joog ka ahaa Maxamed Cadow oo ah Wariye ka tirsan Shabakada Warbaahinta Aljazeera. Wariye Maxmed Cadow ayaa wuxuu daadihinayay dood looga hadlayay khudbooyinka xagjirka ah (Hate Speech).

Waxaa kale kulan lagu falanqeeyey doorka xayeesiinta casriga ay ku leedahay warbaahinta onlineka ah sida websidyada iyo tan daabacaadda (printing newspapers).

20151113635829818397145266AMI 1220151113635829815145053782AMI 07

20151113635829812867091958AMI 0320151113635829811666075831AMI 05

Aftahan News

Hargaisa Office
Xigasho/Hiiraanonline