“Aniga waxay iila muuqataa in taladu Madaxweynaha (Siilaanyo) Seegtay..” Prof: Axmed Ismaaciil Samatar

Amisterdam(Aftahannews):- Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa Sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo Taladu ka liicday markii uu dhex u noqon waayey ee uu kala taageeray Musharraxiintii u taagnaa jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbil-xaakimka KULMIYE oo tobankii bishan Shirkiisii Golaha dhexe lagu doortay laba Musharrax, halka ay aqlabiyadda Musharrixiintuna dibed-joog ka ahaayeen shirkaas oo ay qaaddeceen.

PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR

Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu tilmaamay in khilaafka ka dhashay Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE uu horseedi karo in Xisbiga KULMIYE burburo maadaama oo tiro Wasiirro ahaa Xukuumadda uga baxeen khilaafkaas awgii isla-markaana jiraan dad masuuliyiin ka ah Xisbiga oo wadnaha farta ku haya kana werwersan Mustaqalka Xisbiga.

Waraysi dhinacyo badan oo Siyaasadda Somaliland la xidhiidha kaga hadlay oo Star TV kula yeeshay dalka Netherland oo uu Booqasho ku joogo Prof: Samatar, waxaanannu Waraysigaas oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.