Daawo Xaglo-toosiye oo ka hadlay sida Saylici uga guulaystay, jeediyeyna Khudbad Farxad & Naxdin-ba dhalisay

XAGLO-TOOSIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inay guul-darradu mararka qaar guul tahay, ka dib markii uu jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbil-xaakimka KULMIYE kula tartamay Maanta Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku tartamay Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo Salaasadii Maanta ka furmay magaalada Hargeysa, kaasoo jagada ku-xigeenka loogu doortay Cabdiraxmaan-Saylici.

XAGLO-TOOSIYE
XAGLO-TOOSIYE

Xaglo-toosiye, waxa uu sheegay inuu hambalyeynayo Madaxweyne Ku-xigeenka oo jagada uu ku fadhiyo mar labaad loogu doortay inuu Xisbiga ugu tartamo doorashada madaxtinnimada Somaliland oo la filayo in la qabto 2017-ka, isla markaana waxa uu sheegay in Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ee ka codeeyey aanay keligiis ka codaynin ee ay ka codeeyeen Midnimada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo inta u codaysay iyo inta ka codaysay-ba u mahad-celiyey.

Inkasta oo uu Wasiir Xaglo-toosiye sheegay inuu yahay nin Somalilandnimadu dhab ka tahay oo aan dhibaato u samayn karin, isla markaana diidi karin go’aanka aqlabiyadda ee ka codaysay, haddana waxa uu caddeeyey inuu la tashan doono La-taliyeyaashiisa iyo Taageerayaashiisa, go’aankiisana uu gadaal ka sheegi doono. Waxa kale oo uu Talooyin iyo Ammaan u soo jeediyey Madaweynaha Somaliland.

Khudbadda uu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Khudbaddaas uu ka jeediyey Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE markii lagaga guulaystay Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbigaas iyo dhinacyada kala duwan ee uu kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.