Maamulka Khaatumo oo si adag uga Hadlay is-Sharraxaadda Axmed-Karaash iyo War Sheegaya in Indha-Sheel Somaliland u soo Galayo

“Waxa ku kallifay inuu galo Puntland, markii uu dad xigtadiisa iyo eheladiisa ah ku xasuuqay geedkii xilkooda loogu dhaariyey, ayuu go’aansaday inuu Puntland u baxsado..” Waraysi Gaar ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Khaatumo.

Karin-dabayl(Aftahannews):- Masuul ka tirsan Maamulka Khaatumo, ayaa ka hadlay Axmed Cilmi Cismaan (Axmed-Karaash) oo ka mid ahaa saddex Madaxweyne oo loo sameeyey Maamulka la baxay Khaatumo State oo maanta magaalada Garoowe ka shaaciyey inuu yahay Musharrax u taagan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Puntland, isla markaana waxa uu Masuulkani beeniyey in Indha-sheel oo ah hoggaamiyaha Khaatumo ee wakhtigan uu Somaliland isu-soo-dhiibayo.

zKaraashIndhasheel1l

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo Shabakadda wararka ee Aftahannews khadka taleefanka ugu warramay caawa isaga oo ku sugan deegaanka Karin-dabaylweyn oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in wadahadal u socdo Madaxweynaha Khaatumo ee waqtigan Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel) iyo dawladda Somaliland iyo weliba in markaa ka dib Khaatumo ay sidaas ugu dhammaanayso oo aanay sii jiri doonin.

Maxamuud Sheekh Cumar oo ugu horreyn ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay Khaatumo ahaan u arkaan in Axmed-Karaash oo mid ah Madaxweynayaashoodi uu u galay Maamulka Puntland, isla markaana uu shaaciyey maanta inuu u sharraxan yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, waxa uu yidhi; “Waxa ku kallifay inuu galo Puntland, markii uu dad xigtadiisa iyo eheladiisa ah ku xasuuqay geedkii xilkooda loogu dhaariyey, ayuu go’aansaday inuu Puntland u baxsado, qofkuna hadduu dhiig Islaam galo oo uu dhagar-qabe yahay dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa oo ma fadhiyi karo, waxaanu u dhaqaajinayaa meeshuu u baxsan karo ee uu isleeyahay waad ku noolaan kartaa. Markaa, ninkaas nin dhiig eryey weeye, xil iyo masuuliyad ummadeed nin loo dhiibo oo qaadi kara maaha.”

Mar uu Agaasime Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ka jawaabayey su’aal ahayd, Axmed-Karaash munaasibaddii uu Musharraxnimadiisa ku shaaciyey waxa uu ku sheegay in haddii xilkaas loo dhiibo uu Puntland u soo celin doono gobollo iyo deegaanno ka maqan oo uu ula jeedo inay Somaliland iyo Kooxda Khaatumo haysato, waxa uu ku jawaabay; “Ninkaas Axmed-Karaash waa nin dembiile ah oo ku noolaan kari waayey dhulkii uu ku xasuuqay shacabkii hoggaamiyaha ka dhigtay. Ninka dadkii uu masuulka ka ahaa geedkii hoggaaminta xilkooda, caddaaladdooda iyo daryeelkooda loogu dhaariyey ku hoos xasuuqay, hadduu Puntland Madaxweyne Ku-xigeen ka noqdo amaba Madaxweyne wax uu u kordhinayo iyo wax uu u lilaynayo midna ma jiro ee waa nin nafi eriday.”

“Ta uu leeyahay Dhul Puntland ka maqan baan soo celinayaana, waxaan qabaa immikaba wax u dhawrsani ma jiraan iyo wax uu iska hagranayaa toona, waayo hadduu wax hagranayo shacabkiisa uu Taleex ku laayey muu xasuuqeen, immikana wax saamayn ah oo haddii xil loo dhiibto iyo haddii aan loo dhiiban uu annaga nagu yeelanayaa ma jirto, Khaatumana Axmed-Karaash maaha.” ayuu yidhi Maxamuud.

Mar la weydiiyey Maxamuud Sheekh, in haddii uu Axmed-Karaash Madaxweyne Ku-xigeen Puntland ka noqdo oo aanu xumaan wax ku doonin ee uu wadahadal iyo isu-soodhayn ula yimaaddo waxa ay ka yeelayaan waxa uu yidhi; “Axmed-Karaash iyo Khaatumo wax ka dhexeeyaa ma jiraan, Ninkaasi waa nin fashilmay oo qayrul-masuul ah xilkasta oo loo dhiibto Karaash Khaatumo nabad iyo colaad toona uguma soo noqon karo, wahadal na dhex-mari karaana ma jiro, waayo? waa nin naftiisa la cararay gacan-ku-dhiigle ah, waxaanan u sheegayaa Garoowe-ba way joogaan dadkii uu xasuuqay dadkoodu.”

Sidoo kale, mar la weydiiyey sababta uu Karaash ugu eedaynayo inuu xasuuq geystay iyo inuu gacan ku-dhiigle baxsaday yahay waxa uu ku caddaynayo, waxa uu Maxamuud ku jawaabay; “Waxaan ku caddaynayaa waxa weeye nin dadkii uu hoggaaminayey u adeegsaday Ciidammo Puntland ah oo Xabbad la dhacay, haddaanu xasuuq geysanna muu carareen.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Khaatumo oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Madaxweynahooda waqtigan oo ah Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel) laftiisu uu wadahadal u socdo Somaliland oo uu Somaliland isu soo dhiibi doono dhawaan sida ay Warbaahinta qaarkood faafhiyeen, waxa uu ku jawaabay; “Warkaas ay qoreen Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa qaarkood waxba kama jiraan sal iyo raad-toona malaha, Aniga oo ku hadlaya Afka Madaxweynaha Khaatumo oo arrintan ka hadalkeeda aannu isku ognahay waxaan kuu sheegayaa in warkaasi been yahay, wadahadal dhex-maray iyo mid u socda Madaxweynayahayaga (Indha-sheel) iyo Somaliland ma jiro, Indha-sheel-na nin Somaliland iska dhiibaya iyo nin tagaya toona maaha, Khaatumo iyo Somaliland-na waa laba maamul oo ay tahay inay nabadgelyo iyo deris wanaag ku wada noolaadaan oo is-ixtiraamaan. Indha-sheelna maaha dembiile sida Axmed-Karaash xasuuq geystay oo meel uu ku dhuunto ama ku gabbado amaba dibedda uga sii baxsado raadinaya sida ninkaa Puntland u galay oo kale.”

“Waxa kale, oo aan kuu sheegayaa in Axmed-Karaash intii aanu Puntland tegin, markii uu la soo saftay Ciidammada Taleex ku soo duulay ee Xasuuqa uu halkaa ka fuliyey ka dib, in xilkii laga qaaday, iyada oo xilligii xilkaas loo doortay dhammaad yahay, haddana dembiga uu galay awgii xilka looga qaaday oo aanay jirin wax halkan u yaallaa. Laakiin, Madaxweynaha Khaatumo waa Indha-sheel hadda, meel uu tagayo iyo maamul uu wadahadal u socdaana ma jiro. Indha-Sheel baa imanayayada ay Warbaahinta Somaliland qortayna waa been iyo borobagaande Maamulka Madaxweyne Siilaanyo markii gobolkasta iyo magaalo walba lagaga muddaharaaday uu dadkiisa ku kacay isleeyahay ku deji ee war rasmi ah maaha.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Khaatumo.

Maxamuud Sheekh waxa uu ku dooday in magaalada Taleex oo ay bishii hore bilawgeedii Ciidammada Puntland iyo koox Axmed-Karaash hoggaaminayaa ka qabsadeen inay hadda Khaatumo gacanta ku hayso oo ay Ciidammadoodu joogaan, isla markaana cid kasta oo ku duusha ay u jilib-dhigi doonaan oo aan laga libaysan doonin.

Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Maamulka la baxay Khaatumo inay yihiin koox siyaasiyiin ah iyo koox siyaasad barad ah, isla markaana danaystayaal ah oo shacabkii deegaannada ay joogaanna dhinac kasta ka gedoomiyeen, markii waxay ku wada socdeen hirgeli waayayna uu nin weliba halka uu dantiisa ka arko u cararayo ama Somaliland ha noqoto ama Puntland ha noqotee oo aanay danta shacabka eegaynin iyagu ee ay dhinac walba faran kaga fureen.

Waxa uu Maxamuud Sheekh Cumar ku jawaabay oo uu yidhi; “Maya! Shacabku waa Shacabkayagii, annaga ayaa dantooda iyo mustaqbalkooda ka shaqaynayna oo ay nagu aammineen dhinacyadan aad leedahay waad ka gedoomiseenna, Adeer wax Somaliland naga dhexeeyaa ma jiro, wax Puntland naga dhexeeyaana ma jiro oo aan derisnimo ahayn, haddaannu nidhi waannu tashannay oo annagaa Maamul samaysanay maaha inay Somaliland ka xumaato oo ay nagu soo duusho oo ay dadkayaga layso, maaha inay Puntland sidaas oo kale samayso, midkoodna ka yeeli mayno waxay doonayaan. Waxaannu u aragnaa arrinta Somaliland ay ku doonayso dhulka Khaatumo, aan idiin taliyee ma tashan kartaan, aan idin hoggaamiye waxba ma hoggaamin kartaan, waar waxaasi waxaannu yeelayno maaha ee waannu ka halgamaynaa, dhulka ay Somaliland naga haysato ee Laascaanood ka mid tahay-na waannu soo ceshanaynaa, Puntland iyo Somaliland midkoodna wax uu naga qaadayaa ma jiro, ha tashanninana ka yeeli mayno.”

Maxamuud waxa uu sheegay inay dhawaan Shir mar kale Khaatumo Maamul cusub ku dhisanayso uu bilaha soo socda ka furmi doono degmada Taleex ee gobolka Sool oo uu sheegay inay tahay xarunta Ku-meel-gaadhka ah ee Maamulkooda, isla markaana lagu soo dooran doono hoggaanka Kooxdaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.