Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo Sheegay In Dalku Dib Ugu Noqday Dagaalo sokeeye

Kampala(Aftahannews):- Madaxweynihii hore ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Uganda ,ayaa sheegay in dalka Soomaaliya  uu dib ugu noqday dagaallo sokeeye isla markaana ay adagtahay sida horumar lagu gaadhaa intay jirto colaadaha sokeeye.

 Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kampala ee Xarunta Dalka Uganda,ayaa tilmaamay in dagaalada ka soo cusboonaaday deegaannada Shabeelaha hoose inay yihiin dhibaato hor leh oo ka dhacday dalka Soomaaliya,waxaanu kula taliyay dad uu sheegay inay wadaan dagaalada sokeeye inay joojiyaan kuna dedaalaan inay ka shaqeeyaan horumarka dadka.

“Waxaa loo baahan yahay in la joojiyo dagaalada sokeeye ee ka soo cusboonaaday deegaanada shabeelaha hoose  oo dadka wada hurinta colaaddu  ay ku dedaalaan inay dhanka horumarka dadka u hor seedaan.” Ayuu yidhi Madaxweyniii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,waxaanu intaa ku daray in dalka Soomaaliya uu dib ugu noqday halkii uu marayay muddo ka hor.

“Maanta dalku wuxuu dib ugu noqday halkii uu marayay sagaashanaadkii oo waxaa uu galay dagaalo beeleed oo aan loo  baahnayn waxaanay wax badan u dhimaysaa ama ay hakinaysaa horumar dalku uu gaadho.”

Aftahannews.com

Hargeysa Somalilad