Fadeexad ka taagan Macdan Sharci-darro ah oo Shirkad Shiinaha laga leeyahay ka dhoofisay Somaliland

“Shan illaa toban Kiiloo waa lagu sii ogaan karaa, balse qiyaas gaadhaysa labaatan tan (ton) oo summad ahaan loo diraa ma jirto….” Waraysi Wasiirkii hore Macdanta Somaliland Axmed Maxamed Biixi

Berbera/Hargeysa (Aftahannews):- Shirkad lagu magacaabo African Resources Corp (ARC), ayaa khiyaamo fadeexad ah ku kacday, taasoo hawlo Macdan-qodis ah kula jirta Xukuumadda Somaliland, ka dib markii sida la xaqiijiyey ay dalka ka dhoofisay Macdan aanay oggolaansho u haysan oo gaadhaysay toddoba tan.

Sida ku cad Warqad Shirkadda ARC qortay, ayaa lagu caddeeyey inay ku jirtay Macdanta Columbite, xaddi Macdano gaadhayey 20 ton oo Shirkaddu ka dhoofisay Dekedda Berbera horraantii sannadkii hore. Shirkadda ARC oo laga leeyahay dalka Shiinaha, isla markaana heshiis Macdan-qodis ah la saxeexatay Xukuumadda Somaliland horraantii sannadkii hore ayey Wasaaradda Macdantu u oggolaatay inay dhoofiso Macdanaha kala ah Beryllium iyo Titanium oo xaddigoodu gaadhayo labaatan Ton (20,000kg), oo la sheegay inay tahay summad baadhitaan lagu soo samaynayo.

Hase-yeeshee, sida Wargeyska Himilo ogaaday waxay Shirkaddu ARC dhoofisay 7 ton (7,000kg) oo Macdanta loo yaqaan Columbite oo aanay sharci u haysan dhoofinteeda iyo 13 ton iyo soddon killo oo Macdanta Beryllium ah.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa saxeexay Warqad uu ku caddeeyey xaddiga Macdanta uu Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee ARC ka dhoofsato Dekedda Berbera, isagoo sidoo kale Warqaddaas ku muujiyey inay Shirkaddu bixisay Fiiga dawladda ee dhammaan rarashada Macdantaas oo xaddigeedu 20 tan dhan yahay. Balse, waxay Shirkaddu ka tagtay mid ka mid ah labada Nooc gaar ahaan Titanium oo ah Macdanta lagu heshiiyey inay baadhitaan ahaan u dhoofiso mid ka mid ah, taasoo ay beddelkeeda ay dhoofsatay Columbite.

Talaabada Shirkadda ARC ee hawlaha Macdan qodista ka wadda dalku qaadday ayaanay wax jawaab ah ka bixin dhinacyada ay khusayso, isla markaana Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu wax ka weydiiyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaanay noo suurtoobin inaannu helno, ka dib markii Telefoonkiisa gacanta oo dhawr jeer xalay illaa habeen hore ka wacnay, farriimana u dhignay, balse uu nooga jawaabi waayey.

Sidoo kale, Maamulka Dekedda Berbera oo Wargeyska Himilo isku deyey inuu wax ka weydiiyo sidii Shirkadda ARC uga dhoofisay dalka Macdan aanay sharci u haysan, ayaanay noo suurtoobin inaannu iyagana wax jawaab ah ka helno.

Dhinaca kale, Khabiir ku takhasusay arrimaha Macdanta oo wax laga weydiiyey xaddiga ku habboon marka Macdanta Beryllium baadhitaan dheeraad ah lagu samaynayo, ayaa sheegay in illaa dhowr kiiloo ku filan tahay.

Axmed Maxamed Biixi oo hore Wasiirka Macdanta uga noqday Somaliland, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay xaddiga ku habboon ama ku filan baadhitaanka Macadanta, waxaanu yidhi; “Marka hore illaa qiyaas dhan hal kiiloo ayaa ku filan in lagu ogaado qiyaasta ku jirta Beryllium, marka la ogaado, ayaa shan illaa toban kiiloo lagu sii ogaan karaa, balse qiyaas gaadhaysa labaatan ton oo summad ahaan loo diraa ma jirto.” Xigasho Wargeyska Himilo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.