Sheekh ka hadlay Gabadh ay Walaalo yihiin Ninkii Huteel Jasiira Qarxiyey oo Boorama lagu xidhay & Qodobbo Xasaasiya oo kale

Boorama(Aftahannews):- Sheekh Xasan Diheeye oo ka mid ah Culimada Reer Somaliland, ayaa Muxaadiro ama Khudbad Diini ah oo uu ka jeediyey Masjid ku yaalla magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa qayb ka mid ah khudbaddiisa kaga warramay arrimo kala duwan oo xasaasi ah oo la xidhiidha dad reer Boorama ah oo Argaggixiso lagu xidhiidhiyey, culays iyo dabagal shaqsi ahaan isaga lagu hayo iyo diyaarado joog hoose ku duulaya oo argaggax-geliyey Xoolo-dhaqatada deegaannada Awdal qaarkood.

Sheekh Xasan Diheeye waxa uu sheegay in dawladda Somaliland ee ilaalin lahayd wax badan oo dalka iyo dadka dhibaato ku ah ku foogan tahay wax kale oo aan dalka iyo dadka toona faa’iido ugu jirin, isla markaana halkay dalka ka ilaalin lahayd ay isaga laftiisa ilaalinayso, balse wax uu qarsanayaaba jirin ee waxa lagu daba-socdaa yahay waxaa uu sheegayo iyo Wacdiyada Diiniga ah ee uu Jimcayaasha ka jeediyo Masjidka Boorama.

Khudbaddiisan waxa uu Sheekh Xasan kaga hadlay Gabadh ay Walaalo yihiin nin la sheegay inuu yahay qofkii qarxiyey Huteel Jasiira ee magaalada Muqdisho 26-kii bishii Julay sannadkan 2015-ka oo ahayd toddobaadkii hore in lagu xidhay Saldhigga Booliska ee magaalada Hargeysa, Gabadhaas oo mid ka mid ah Cusbitaallada Caafimaadka ee Boorama ka shaqayn jirtay sida uu Sheekhu sheegay.

Haddaba, Khudbadda Sheekh Xasan Diheeye oo uu dhinacyo badan oo xasaasi ah kaga hadlay qaybta uu arrimahan kaga hadlayo iyo qodobbo kale, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.