Dib-u-habayn lagu sameeyey Waaxda Sifaynta Kelyaha Cisbitaalka Hargeysa oo Madaxweyne Ku-xigeenku furay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhigga ka jaray qaybta Sifeynta Kelyaha ee Cisbitaalka guud ee maagalada Hargeysa oo dayactir iyo ballaadhin lagu sameeyay.

Cusbitaalka-Guud

SAYLICI2

Kulan-xafladeed uu Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland xadhigga kaga jaray dayactirka qaybta Sifeynta Kelyaha ee Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Hargeysa, oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey dayactirka lagu sameeyay waaxda sifeynta Kalyaha ee Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in qalab cusub oo kalyaha ah lagu soo kordhiyey waaxda sifeynta Kalyaha, sidoo kalena cisbitaalka la keenay qalabka ilkaha, qalabkii shaybaadhkana mid cusub lagu soo kordhiyey iyo weliba qalab cusub oo qaliinka ah.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo xadhigga ka jaray tayeynta iyo dib-u-habaynta Waaxda Mishiinka Kelyaha lagu sifeeyo, ayaa halkaasi ka jeediyay hadal kooban, waxaanu sheegay in tallaabadani ka mid tahay qorshayaasha Xukuumaddu ugu talo-gashay inay ku horumariso adeegyada caafimaadka.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Ku-xigeen Saylici in Caafimaadku yahay laf-dhabarta jiritaanka Bulshada, isla markaana ay Xukuumaddu ku darsatay qorsheyaasha wax-qabadka iyo horumarinta adeegyada Bulshada oo Caafimaadku kaw ka yahay. “Caafimaadku waa laf dhabarta nolosha, xukuumaddu culays ayay saartay horumarinta adeegga caafimaadka.”

Md. Cabdiraxmaan-Saylici, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo, isla markaana ku faraxsan yahay tallaabada ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Waaxda Cisbitaalka guud ku horumarinayaan adeegyada caafimaad ee ay Bulshada Masuulka uga yihiin oo ay Xukuumadda guud u xil-saartay fulinta hawlahaas oo uu ku tilmaamay waxyaabaha ugu muhiimsan ee markasta loo baahan yahay inuu horumarsanaad, isla markaana mar walba la jaan-qaado Caafimaadka casriga ah ee dunida.

Aftahannews.com

Berbera/Somaliland.