Shil Gaadhi loo aqoonsaday kii u yaabka badnaa ee Dunida ka dhaca oo la arkay & qaabka uu u dhacay

Durban(Aftahannews):- Shil Baabuur oo lagu sheegay inuu noqday Shilkii Gaadhi ee ugu yaabka iyo amakaagga badnaa ee ka dhaca dunida, ayaa ka dhacay dalka Koonfur Afrika, ka dib markii uu Gaadhi Xawaare sare ku socday dhulka ka duulay, isla markaana galay Guri ku yaal Magaalo-Xeebeedka Durban ee waddanka Koonfur Afrika.

SHIL Gaadhi kii ugu yaabka badnaa dunida

Ninkii Gaadhiga waday, ayaa sheegay in Baabuurkani xilli uu kasoo degayay goob Dallacad ah Xawaaraha uu ku socday awgeed uu awoodi waayay in uu xakameeyo, isagoo intaas ka dib cagaha dhulka ka qaaday, taasina ay keentay inuu noqdo sidii wax hawada u duulay oo kale, shilkaas oo dhacay dhammaadka toddobaadkii hore.

Markaas ka dib waxa uu dusha sare ka galay Guri ku yaalla agagaarka Jidka Shilkaasi ka dhacay ee Deegaanka Kwamakhutha ee magaalada Durban, sida uu Wadihii Gaadhigaas watay oo isagu Shilkan ka badbaaday Saxaafadda u sheegay.

Darawalka Gaadhigaasi waday iyo Ruux kale oo hurday guriga uu Gaadhigu dhex-gaay, ayaan nasiib-wanaag waxba ku noqon Shilkaasi, waxaana lagu tilaamay Shilkan Gaadhi mid layaab badan maaddaama oo Baabuurku isaga oo duulaya uu Saqafka kore ka galay Guri la degganaa.

Dalka Koonfur Afrika, ayaa ka mid ah dalaka ugu badan ee ay ka dhacaan Shilalka Baabuurtu, waxaana dalkaas ugu dhinta dad aad u badan halka ay tiro kale oo badani ku dhaawacmaan, waxaana sababaha Shilalkaasi lagu sababeeyaa yihiin Masuuliyad-darrado ka timaadda dhinaca Wadayaasha Gaadiidka, iyagoo Baabuurta ku kaxeeya Xawaare aad u sarreeya oo gaadha heer ay xakamayn kari waayaan Gawaadhidooda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.