Hummaagga Xukuumadda KULMIYE, Hanjabaadda Waran-cadde, Hadafka Faysal iyo Hawraarta Cirro

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa ka hadlay hadal ay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo hoggaanka KULMIYE ku sheegeen inaanay ka bixin heshiis ay hore uga wada gaadheen khilaaf ka dhashay muddo kordhin sannad iyo toban bilood ah oo Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada horraantii bishii May 2015-ka, markaas oo ay qaaddaceen Mucaaradku.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo hoggaanka KULMIYE oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa Salaasadii Maanta, ayaa sheegay inay Mucaaradka ugu baaqayaan inay kala qayb-qaataan inay Guurtida kula maslaxaan inay muddada ay kordhiyeen waafajiyaan heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada gaadheen oo dhigaya afar bilood ka hor xilliga Guurtidu cayintay in la qabto doorashada.

Waxay Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi sheegeen in go’aanka Guurtidu yahay sharci, balse ay heshiiska u arkaan xal siyaasadeed, waxaanay labadan hadal hummaag geliyeen sida Mucaaradku ku doodayo mawqifka dhabta ah ee Xukuumadda iyo Xisbigeedu ka taagan yihiin hirgelinta heshiiska ay wada-gaadheen.

Hase-yeeshee, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Saxaafaddu hadalka Masuuliyiinta ka dib isla maanta su’aalo ka weydiisay waxyaabaha ay ka hadleen, ayaa dhinacooda ku dooday inaanay kala qaybgalaynin KULMIYE iyo Xukuumadda baryada iyo maslaxaadda Golaha Guurtida oo hore heshiiskaas sharci-darro ugu tilmaamay, sheegayna inay muddo-kordhintoodu tahay mid sharci ah oo aan la dhaafi karin.

Waxay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ahi in Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, Xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa laga sugayo inay iyagu is-waafajiyaan waxa ay ballan-qaadeen ee ah hirgelinta heshiiska Xisbiyada Mucaaradka ah ay la galeen, maaddaama oo ay iyaga iyo Guurtidu isku dhinac u muuqdaan oo Guurtidu u joojin wayday taladii Mucaaradka, balse aanay kala qayb-qaadan doonin.

Haddaba, Warbixinta ku saabsan arrimahan iyo xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan ka taagan dalka Somaliland-ba, isla markaana koobaysa dhinacyada Siyaasadda Somaliland ee Mucaaradka iyo Muxaafidka, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan oo Wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.